Dhuusamareeb 13 Dec 2014–Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa wararku sheegayaan in ururka Ahlu sunna halkaasi xog looga saaray iyadoo baryahan dagaal beeleysan uu ka socday gobolkas Galguduud. Argagixisada shabaab ayaan iyagu dagaalkan shaqo ku lahayn.
Dagaalka ayaa waxaa lasoo sheegayaa in koontaroolka koonfureed Ee Magaalada uu kadhacay iyo xerada kow iyo labaatanaad iyadoona gebi ahaanba ay ciidamadii culumaa udiinka Ahlusuna ay isaga baxeen magaalada dhuuso mareeb.
Hal ruux ayaa la xaqiijiyey in uu ku geeriyooday midkalana uu ku dhaawacmay, xaalada ayaa ilaa iminka kacsan oo waxaa lasoo sheegayaa in ciidamada ahlusuna ay duleedka magaalada dhuso mareeb ay isku soo uruursanayaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay