November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

War deg dega: Ciidankale oo Hargeysa laga keenay oo ku sii jeeda Quljeed iyo aaga woqooyiga Awdal

breakinBoorama 22 Dec 2014–War naga soo gaadhay xarunta gobolka Awdal ee Boorama ayaa sheegaya inay indhahooda ku arkeen ciidamo wata baroon iyo hub saaran gawaadhida toyotaha oo ku sii jeeda aaga Quljeed iyo woqooyiga Awdal.

Ciidankan Xirsi Tooriile iyo Cadami ku soo rarayo Awdal ayaa dhbarjabin ku ah hadalo salaadiintu u sheegeen in Xirsi Tooriile dib ula noqdo ciidankiisa. Salaadiinta ayaa hadda taagan meel cidla ah kadib markii ay kala hadleen.

Wararka aan helayno ayaa muujinaya in cabsi ay la soo daristey maamulka Xirsi Tooriile oo isagu hadda la wareegay talada maamulka Hargeysa maadaama Siilaanyo xaalad caafimaad awgeed aanu talo bixin Karin.

Siilaanyo ayaa isagu awoodi waayay inuu sharaxo wixii dhexmaray isaga iyo Xasan Culusow kadibna codsaday in Xirsi Tooriile bixiyo faahfaahin.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS