Warar goor dhow naga soo gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in qaraxyo xoogan goor dhow ay ka dhaceen bartamaha magaalada. Qaraxyada ayaa lala eegtay goob dadku ku badan yihiin si dhimasho badan u dhacdo.
Qaraxyada oo ahaa labo ayaa mid ka mid ah loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu qarxiyay goob ku dhow Xaruntii Dahabshiil oo ah goob dadka fariistaan galbihiis
Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa labaad uu ahaa qof naftii hure ah oo ku xirnaa jaakadaha qarxa, kaasoo beegsaday maqaayad ku dhow Afar irdoodka.
La soco wararka dambe
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay