X

War deg dega: Sucuudiga oo xasuuq xun ka gaystay Yaman kadib duqeyn uu la eegtay aroos iyo 27 uu dilay

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in diyaaradaha ninka isku sheega boqorka ee Sucuudiga ay xasuuqeen aroos ka socday tuulo u dhow magaalada xeebta ah ee Al-Mokha oo la yiraa Waxijah. Diyaarada ayaa gantaal la eegtay xilli aroosku buuxay halkaana waxa ku dhintey dad gaaraya 27 qof oo ay ku jiraan caruur.

Maaha markii ugu horeysay diyaaradaha gacan ku dhiigle Salmaan uu xasuuqo dad shacaba. Lix bilood kahor ayay ahayd markii uu dilay Somali qoxooti ah oo safrayay halkaana ku dilay dad badan.

Dagaal diimeedka uu Sucuudigu kula jiro dadka Yaman ayaa galay bishii lixaad waxana ilaa hadda la sheegayaa in uu xasuuqay dad ka badan boqolaal kun. Waxa taageersan dawladaha Yuhuuda iyo Maraykanka oo bixiya hubka iyo sirdoonka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.