X

Warar sheegaya shirkadii Shiinaha ee macdanta qaaliga ah ka qodanaysay buuraha Siimoodi oo la eryay

Baki 01 Jan 2015–Warar aad u xoogan ayaa sheegaya in shirkadii Shinaha ahayd ee macdanta qaaliga ah ka guranaysay buuraha Siimoodi ee degmada Baki laga eeryay buurahaas inkastoo warka aan helayno aanu wali ahayn mid faahfaahin wata qaasatan sida wax u dhaceen waxase wararku intaa ku darayaan in dhalinyar gadoodsan ay hilfaha u qaadeen.

Waxa noo suurtageli wayday in aan ka xaqiijino madaxda deegaanka Baki warka ku sabsan in Shiinihii laga eryay goobta.

Shiinaha ayaa macdan qaali ah ka qota deegaanka iyadoo qodistaas ay ku dhinteen boqolaal xoola maadaama shirkadi wadan awoodina in ay si deegaamaysan u maamusho hawsha.

Waxana jirta qaaliga macdanta awgeed oo  dadka deegaankuna fahansanayn ay laaluushto dadka danyar ah iyo madaxda deegaanka. Waxayna dadkaas inta badan cadow ku noqda dadka yiraa wax badan ayaad ka helaysaane ha lumina khayraadkiina.

War ku saabsan arintan oo faahfaahsan naga fisha wararkayaga xiga

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.