Guriga musharax C/raxmaan Ciro ee Hargeysa oo taageerayaal Kulmiye ah xalay shiideen. aqalkani oo ku yaala xaafada PEPSI-ga ayaa shiid hadhka lagaga dhigay isla markaasina ay caayayeen musharax Cirro iyo xisbiga Waddani.
Xoogaa yar kadib ayaa markii ay dadka xaafadu ka war heleen arintaasi weearka ee ay soo qaadeen taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee ka soo duulay xaafadaha 26-ka Jun iyo Koodbuur ay iska hor yimaadeen dhalinyaradii xaafada Pepsiga oo dadkii soo duulay ee wax shiidaayay xoogaa dib u caabiyay.
Xoogaa markii labada dhan ay is shiidayeen ayaa wax goobtaasi soo gaadhay ciidamada booliska oo wata dhowr baabuur, waxna ay kala dareeriyeen dadkii meesha ku sugnaa.
Waxa isla markiba goobta ka yaacay dhalinyaradii Kulmiye soo abaabulay ee shiidaysay guriga Cirro.
Waa markii u horaysay ee arintani oo kale ay ka dhacdo magaalada Hargeysa iyo guud ahaan Somalilandba. Xogaha ay heleen xisbiga Wadani ayaa sheegaya in xildhibaanka caawa hagaayay weerarkani lagu soo qaaday guriga Cirro uu xildhiban lagu magacaabo C/casiis Aadan Habane.
Xildhibaankan lagu tuhunsan yahay ayaa sidoo kale uu gudoomiyaha xisbiga Kulmiye dhawaan qandaraas ku siiyay shiidaalka uu xisbiga Kulmiye u isticmaalaayo ololaha doorashada.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS