Wararkii u dambeeyay ee aan ka helayno Muqdisho ayaa sheegaya in uu jiro khasaare nafeed oo ay gaysteen cadowga ummada Somaliyeed xilli dadku isku diyaaruinayay afurka huteelkuna mashquul ahaa.
Argagixisada ayaa qarax la eegatey afaafka hore ee huteelka sida caadiga ah. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xildhibaan Burci Xamsa uu ku jiro dadka ay waxyeeladu soo gaartey oo uu dhaawac yahay.
Aaga u dhow huteelka ayaa burbur xoogan soo gaadhey maadaama argagixisada kala jeclayn wixii dhinta noocey doonaanba ha ahaadaane.
Argagixisada ayaa markiiba sheegatey dhiiga muislimiinta ee ay daadiso maalin kasta sidii caadiga ahaydna ”tiri kuwa diinta aan ka saarney ayaa ku Jira huteelka”.
Dadka sida xun ay u dileen argagixisada ayaa waxa ku Jira haween iyagu ganacsi ahaan u hor fadhiyay huteelka iyo shaqaalihii amniga oo ay ku jiraan waardiyeyaal..
Xilliga argagixisadu weerarka qaaday ayaa ahaa xilli dadku aad u fadhiyaan oo la sugayo in la furo waajibaad diini xilli argagixisada diintoodu tahay CAKSI.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in weli rasaas laga mnaqlayo huteelka oo ciidana amnigu soo afjarayo argagixisada isku qarinaya qaybo ka mida huteelka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS