X

Wararkii ugu dambeeyay masuuliyiin iyo shacab doon kula degtay Beledweyn

Waxaa weli socda dadaalo loogu gurmayo laguna baadi goobayo dad isugu jira mas’uuliyiin iyo shacab oo doon ay saarnaayeen kula degtay fatahaada Wabiga Shabeelle inta u dhaxeysa Magaalada Baladweyne iyo deegaanka Ceel-Jaalle.



Waxa jira masuuliyiin la soo badbaadiyay oo uu Ku jiro Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Afrax iyo duqa degmada Baladweyne Safiyo Sheekh Cali Jimcaale iyo dad kale.


Fatahaada webiga Shabeelle ayaa maraya halkii ugu saraysay in sanado ah. Shalay ayay dawladu la gaartey deeq isugu jirta cuntooyin iyo agabyo kale dadka waxyeeladu Ka soo gaartey oo u badan dad danyara.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.