X

Wararkii u dambeeyay weerarkii argagixisadu ku qaaday xarunta dambi baadhista oo la soo afjaray

Waxa hadda la xaqiijiyay in weerarkaas ay ku dhinteen sagaal qof oo ay ku jiraan argagixisadii weerarka soo qaaday waxa sidaas sheegay afhayeen u hadlay booliiska. Wuxuu kaloo intaa ku daray in weerarku ahaa lab nin oo isqarxiyay iyo laba gudaha u soo galay.

Wuxuu afhayeenku intaa ku daray in dhamaan la toogtey inta ayna gudaha waxyeelo ka gaysan. Weerarkan ayaa si deg dega loo soo afjaray iyadoo la sheegayo in xarunta ay joogeen askar khuburo ku ah arimaha noocana.

Talaabadan deg dega loogu soo afjaray ayaa noqonaysa mid ay ku amaanan yihiin ciidanka NISA ee aadka u tababaran, waxayna u muuqataa in ay la qabsadeen sheekada argagixisada ee isqarxinta haddana gudaha u gelida.

Waxa hadda socda daadgureynta shacabkii ku dhintey agagaarka iyo xaqiijinta amniga guud. Waxa goobta la wareegay ciidanka nabadsugida.

 

Warbixintii C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.