X

Wararkii ugu dambeeyay dab xoogan oo ka qarxay suuqa Bakaaraha

Wararkii Ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in lagu guuleystay in la damiyo dabka xoogan ee ka kacay suuqaasi Xili hore oo Saaka ah.



Dabka ayaa geystay qasaaro NAF IYO MAALBA LEH waxanaa la soo sheegaya in saacado badan dabka ololayay sidaasna ay ku hanti beeleyn ganacsato badan oo suuqaasi ka xoogsan jiray.

dhinaca kale Gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimacaale ayaa Gaaray Suuqa weyne ee Bakaaraha.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku baaqay in la furo wadooyinka waa weyn ee soo gala Suuqa Bakaaraha, Maadaam ay doonayaan in ay badbaadiyaan hantida ku gubanaysa Suuqa Bakaaraha.



Dabka ayaa markii hore wuxuu ka kacay Suuqa Khaliifa ee ku dhex yaalo Suuqa Bakaaraha, wuxuuna dabka ku fiday, qaybta Maacuunta, qaybta Malabka, Qaybta Dahablaha, hadana waxaa la soo sheegayaa dhanka Sarta Cali Dheere dabka inuu gaaray lana damiyay.

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.