Sunday, May 19th, 2019
header

Wararkii ugu dambeeyay dhacdadii naxdinta lahayd ee hooyada ilmaha laga xaday

Hooyo Naciima Maxamed oo ah hooyada laga xaday ilmaheeda koowaad oo ku dhashay si aad u rafaadsan maadaama dhiigkar ku soo booday xilligii ay uurka lahayd ayaa la sheegay inay xaalad aan wanaagsanayn oo naxdin aan la qiyaasi karina ku jjrto.



Naagta arxanka daran ee la tuhmaayo inay ka hoos qaaday hooyada rafaadsan ee yara seexatay ayaa la sheegay shalay oo dhan inay ku sugnayd Isbitaalka Soos gudihiisa, gaar ahaan qolka la seexiyay Hooyo Naciimo oo waxa ay gacanta ku wadatay bacda Hooyooyinka marka ay umulaan loo dhigo.

Naagtan ayaa la ogaadey markii dambe inay socoto ahayd oo ayna ka mid ahayn shaqaalaha isbitaalka halka dadkii ag-jiifay hooyo Naciimo ay u qabeen inay iyaga la socoto.



Markii albaabka isbitaalka la xirey waala waayay meel ay martey ayuu yiri ilmaha la xaday awoowgiis. Naagtaas ilmaha xaday ayaa iska dhigeysay qof ehelka ah oo xitaa caawimaad ayeey u fidinaysay reerka.

“Arintaan baroordiiq ka weyn ee waxaan cidkasta oo Soomaali oo na maqlaaya u sheegaynaa in naagtaas haddii aan taqaanaan u sheegtaan inay si nabadda ilmahaas hooyadeed ugu soo celiso maadaama xaaladeedu wanaagsanayn. Adeer Ilaahaaga ka cabso oo ilmahaas iska soo celi ayuu yiri Maxamuud Sh Axmed Maxamed oo ah wiilka la xaday awoowgiis.



Maamulka degmada isbitaalku yaalo ayaa iyaguna bilaabay baaritaan saaida si ilmahaas yar hooyadii ugu soo celiyaan. Ilmaha la xaday ayaa saacado kaliya jirey markii hooyadii Naciimo rafaad ku dhashay.

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABIBEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Xildhibaan Maryan Cariif oo dalbatey in Kiiniya dalka laga saaro

May, 18, 2019
Xildhibaan Maryan Cariif oo ka tirsan Golaha Shacabka ...

Booliiska Qubrus oo raadinaya gabadh Somali ah oo luntey ilaa Khamiistii

May, 18, 2019
Booliiska jasiirada Qubrus ee u kala qaybsan Turkiga ...

Wasiir aan dugsi sare gelin oo si xun u weerartay xildhibaan Dhakool, Prof Samatar iyo Cali Khaliif

May, 18, 2019
Hinda Jaamac waxay ka mid tahay wasiirada maamulka ...

Gobolada Sool iyo Sanaag oo si weyn looga qayb qaatey maalinta nadaafada: Sawiro/daawo)

May, 18, 2019
Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa maantoo kale ku ...

Saylici oo reer Awdal aflagaadeeyay: ma duushaan maxaan madaar dhisnaa iyo dekeda Saylac

May, 18, 2019
C/raxmaan Saylici oo reer Awdal ku qasaareen 9-kii ...

Dhacdooyinka

Madaxweyne Farmaajo oo shaaca ka qaaday danaha gaarka ah ee loola yimi shirkii Garoowe

May, 16, 2019
Madaxweynaha oo ka hadlaayay munaasabada maalinta dhalinyarada SYL ...

18 May waa maalin madow anagaa ku leh: siyaasi Cabdi Shotaly (daawo)

May, 16, 2019
Siyaasiga ruug cadaaga ee Cabdi Shotaly ee beesha ...

Ururka Makaahiil Group (Samaroon) oo si adag uga hadley xasuuqii Harawa gaar ahaan Xajin

May, 13, 2019
Ururka beelweynta Makaahiil Group ayaa si adag uga ...

Maraykanku kuma dhaco inuu weerar nagu soo qaado: Iiraan

May, 10, 2019
Ayadoo baryahan ay jirtey in xagjir Taram uu ...

Ciidanka xooga oo kordhiyay baacsiga argagixisada: SAWIRO

May, 8, 2019
Ciidanka xooga dalka gaar ahaan kuwa gobolka Shabeelaha ...

Shirkad Ingiriisa oo la sheegay inay gaaskale ka heshay Somali galbeed

May, 7, 2019
Shirkale oo la leeyahay dalkaasi Ingiriisa ayaa la ...

90 caruur u badan oo la qaadsiiyay cudur khatara dalkaasi Bakistaan

May, 3, 2019
Wararka ka imaanaya dalkaasi Bakistaan ayaa sheegaya in ...