Sunday, May 19th, 2024
header










Meta







Wargeys Turki ka soo baxa oo qarxiyay heshiis ay gaareen wasiirka arimaha gudaha Somaliya iyo xubno ka socda Somaliland

Wargeys ka soo baxa Turkiga ayaa qarxiyay heshiis ay gaareen wasiirka arimaha gudaha Somaliya iyo xubno ku xeeran Siilaanyo oo la sheegay in ay matalaan magaca Somaliland oo ay ka mid yihiin wasiirka aqalka Siilaanyo ee Maxamuud Xaashi oo isagu hadda ah madaxweynaha maamulka Siilaanyo iyo Sacad Cali Shire.

Wargeyska caanka ah ee ka soo baxa dalka Turkiga ee la yidhaahdo Haberturk, ayaa cadadkiisii 27 April 2016 ee shalay, daabacay warbixin ka qoray wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in toddobaadkii la soo dhaafay ay dalka Turkiga ku kulmeen wasiirado ka kala socda Somaliland iyo Somaliya. Wargeysku wuxuu warbixintiisa ciwaan uga dhigay “Heshiiska Ankara ee Soomaalida.”

Xildhibaan Kanti Turan, oo ka tirsan Baarlamaanka Turkiga, lagana soo doorto gobalka Bursa, oo sidoo kale ahaa safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, ayaa wargeyskan u sheegay in Wasiirada Somaliland iyo Somaliya ay yeesheen kulan ay ku gaadheen heshiis aan rasmi ahayn, kaas oo ay saxeexi doonaan 31 May, 2016. Wuxuu xildhibaanku sheegay in kulanku dhex maray Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire iyo madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo isku dhinac ah iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliya Cabdiraxmaan Odawaa oo uu weheliyay nin ganacsade Somaliyed oo uu wargeysku magaciisa ku sheegay Faarax Giindhe.

Wuxuu xildhibaan Kanti Turan, oo ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Turkigu, u sheegay wargeyskan in wasiiradu dib isugu soo noqon doonaan 31 May, oo ay heshiiskan aan rasmiga ahayn saxeexi doonaan.

Hase yeeshee Wargeysku, ma faahfaahin nooca uu yahay heshiiska hordhaca ah ee ay gaadheen masuuliyiinta Somaliland iyo Somaliya.

Wargeyska, ayaa xildhibaankan Turkiga ah ku tilmaamay siyaasi door muhiim ah ka qaatay heshiiskii dhawaan ay gaadheen dawladda Somaliya iyo maamulka Puntland ee ku saabsanaa nidaamka saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanka Somaliya ee loo yaqaano 4.5.

Geesta kale, siyaasigan ayaa dhawr goor socdaalo ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa,isagoo kulankiisii u dambeeyay la yeeshay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...