X

Warka nin lagu diley magaalada Muqdisho oo la ogaadey wuxuu la cararay

Wararka ka imanaya Muqdisho ayaa sheegaya in argagixiso lagu diley Muqdisho xilli uu isku diyaarinayay in uu shacab xasuuqo. Argagixisada ayaa lagu hor diley afaafka hore ee xerada Xalane.

Ninkan ay Toogteen Ciidamada ammaanka ayaa waday Gaari Caasi ah, Ciidamada ayaa ku amray in uu istaago, si loo baaro, wuxuuna Gaariga u waday si xowli ah, Ciidamada ayaa kashifay.

Falkan ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane gaar ahaan dhanka Iridka Madiina halkaasi oo si aad ah loo ilaaliyo.



Markii uu falkaas dhacay ayaa la wacay Ciidanka AMISOM, kuwaasi oo baaritaano ku sameeyay Gaariga iyo Ninkii waday oo Ciidamada ay ugu shakiyeen in Gaariga ay saarnaayeen walxaha Qarxa.

Baaritaan kadib ayaa la ogaaday Ninka Gaariga waday in uu ka soo cararay Ciidamada Canshuurta qaada, sidaasina uu Gaariga ugu soo kaxeeyay si xowli ah, ayna sababtay in Ciidamadan ay ka shakiyaan, sidaasina ku toogtaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.