Thursday, December 7th, 2023
header










Meta







Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii maamul goboleedyada qaar iyo Xasan Sheekh+SAWIRO

Muqdisho-Araabinews–Warmurtiyeed ayaa laga soo saaray shirkii u dhexeeyay Xasan Sheekh iyo maamul goboleedyada oo maalmahan ka socday Muqdisho. Shirkan ayaa dadka badankiisu ku sheegeen wakhti lumis.
1. In la abuuro lana joogteeyo Madasha Wadatashiga Madaxda Saree e Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ah iyada oo kulanka soo socda lagu heshiiyay in lagu qabto magaalada Garowe, Bisha April 2015.
2. Waxaa jiri doona Guddi farsamo oo ka kooban dhinacyada oo dhan oo u xil saaran taabba gelinta howlaha Madasha.

3. Qorshaha lagu gaarayo Hiigsiga 2016 wuxuu ahaanayaa mid ay u wada dhan yihiin DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

4. Waa in la dardargeliyo dhismaha Dowlad Goboleedyada harsan iyo Guddiyada Dastuuriga ah ee Madaxa Bannaan si loo dhammaystiro hannaanka Federaalka.

5. Waxaa la isla gartay in la dhiso Guddi heer Wasiirro ah oo ka kooban Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ah kaas oo dib u eegis iyo dardergalin ku samayn doona qorshayaasha Cahdiga Cusub (New Deal) si loo xaqiijiyo in si siman looga wada faa’iideysto deeqaha caalamiga ah.

6. Waxaa la isla gartay in Dowladaha xubnaha ahi oo dhami ay yeeshaan xafiisyo u xilsaaran isku dubba-ridka deeqaha caalamiga ah oo wadashaqeyn buuxda la yeelanaya Xafiiska heer Federaal.
7. In si wadajir ah dalka Soomaaliya looga suuliyo kooxaha arga-gixisada ah lana qaado talaabo kasta oo sahlaysa isku socodka.
8. In la de-dejiyo dhismaha Guddiga Dastuuriga ah ee Amniga Qaranka.

9. Inta la gaarayo Dhismaha Guddiga Amniga Qaranka, waxaa la isla gartay in la dhiso Guddi ka kooban DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo ka talo bixiya qaabka ugu habboon ee la isugu dhafi karo, loona horumarin karo ciidammada Soomaaliya ee heer Qaran.

10. Waxaa la isku raacay in la meel mariyo dhammaan heshiisyada la galo.

11. Waxaa la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa kalsoonida iyo midnimada ummadda soomaaliyeed iyada oo laga dheeraanayo wax walba oo carqalad ku noqon kara himiladaas.

12. Madaxda Sare waxay ka mahadceliyeen kaalmada joogtada ah ee ay Beesha caalamku la garab joogto Soomaaliya, waxayna ka codsadeen kaalmadaas in la kordhiyo lana joogteeyo.

munaasabad-1[1]munaasabad-2[1] munaasabad-3[1] munaasabad-4[1] munaasabad-5[1] munaasabad-6[1] munaasabad-12[1] munaasabad-15[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Diyaarad Nayjeeriya ka timi oo rakaabkeedii wacdaro ku qabsadeen Sacuudiga

November, 15, 2023
Qisada diyaarad laga leeyahay dalkaasi Nayjeeriya oo Sacuudiga ...

Ururka samafalka MG oo London ku doortey gudoomiye cusub

July, 24, 2023
Ururka samafalka ee MG ayaa caawa gudoomiye cusub ...

Samaroon isagaa halkaa is dhigay Dhulbahantana guushaa u dhow

July, 12, 2023
Siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi ayaa sheegay in Dhulbahante ...

Qisada xanuunka badan ee Umu Salamah (xaaskii rasuulkeena (SCW)

June, 6, 2023
Umu Salamah waxay markii dambe ka mid noqotey ...

Maxaa keenay in doorashada Turkiga xilligan uu adduunku isha ku hayo?

May, 13, 2023
Turkigu kama mid ahayn wadamada xilliyada doorashada isha ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...