November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Warshad cadaysa doolarka oo lagu qabtey Muqdisho

Ciidanka sirdoonka Muqdisho ayaa ku guulaystey in ay qabtaan warshad cadaysa doolarka kadibna loo isticmaalo in lagu bedesho doolarka saxda ah.



Warshadahan yaryar ayaa ka dhisan guryaha xaafadaha magaalooyinka Garoowe, Hargeysa, iyo Muqdisho oo inta badan fowdo ka jirto.

Maamulada ka jira magaalooyinkaas ayaa lacagta bedesha kuna bedesha lacagta beenta ah ee dalka jirta.



Hawlgalkan oo ciidamadu ay ka sameeyeen Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ku dhintey hal askari oo ka mid ah ciidamadii samaynaayay hawlgalka ka dib markii uu halkaasi iska hor imaad ku dhex maray ciidamada iyo kooxaha sameynaayay lacagtaasi faalsada ah kuwaasi oo u daatay guriga lagu sameeyo doolarka macmalka ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS