Thursday, March 21st, 2019
header

Wasaarada boostada oo ka jawaab celisay hadal ka soo yeeray Somaliland

Wasaarada boostada ayaa ka jawaab celisay hadal ka soo yeeray Somaliland. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa 9-kii bishan si rasmi ah ula soo wareegtay Astaanta Qaranka ee Internetka Soomaaliya (dotSO) oo ay maamuli jirtay hay’ad ka madax banaan Dowladda.

Guul weyn oo taariikhi ah ayay inoo tahay in maamulka astaanta internetka ee Soomaaliya ay la wareegto Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, oo sidoo kale maamuli doonta isticmaalka furaha taleefoonka (252), oo labaduba ah hanti qaran.



Soomaali kasta oo ku nool Jamhuuriyadda wuxuu xaq u leeyahay inuu adeegsado furaha taleefoonka (252) iyo kan internet-ka (.so). Waxaa sidoo kale xaq u leh qof, shirkad, ama hay’ad kasta oo dalka ka hawl gasha.

Waa calaamad muujineysa juquraafi ahaan iyo aqoonsi ahaanba halka aad ku nooshahay, ka diiwaan gashan tahay ama ka shaqeyso.



Astaanta internetka waxaa si gaar ah ugu baahan shirkadaha, jaamacadaha iyo ururrada waddaniga ah, si ay u muujiyaan inay ka dhisan yihiin Soomaaliya iyo xaaladda diiwaangelin ee ay dalkaasi ka haystaan haddii ay tahay .edu.so, org.so, iwm.

DotSO waxaa maanta laga isticmaalaa adduunka oo dhan, in laga hor istaago qeybo ka mid ah dadkii Soomaaliyeed ee xaqa u lahaana waa go’aan aan u adeegeynin danaha dadka, shirkadaha, hay’adaha iyo jaamacadaha Soomaaliyeed, waayo waxay halkaas ku weynayaan in la aamino iyo in ay wax la qabsan karaan shirkadaha, hay’adaha iyo jaamacadaha kale ee dhiggooda ah.



DotSO waa hanti qaran oo uu wax ku leeyahay Soomaali kasta, inuu fa’iideystana waa mid ka mid ah xuquuqaha muwaadinka. Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada waxaan diyaar u nahay inaan fududeyso sidii dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ay uga faa’ideysan lahaayeen adeeggan, waxaana dhowaan soo bandhigi doonna qorshe ballaaran oo la xiriira ka faa’iideysiga Astaanta dotSO.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Sababta ay u gadoodeen ciidan Jowhar joogey oo la ogaadey

March, 20, 2019
Waxa maanta gadooday ciidan ka tirsanaa xooga dalka ...

Axmed Madoobe oo diidey amar kale oo ma soo baxay dawladda dhexe

March, 20, 2019
axAxmed Madoobe ayaa maanta diidey  amar ka soo ...

Xildhibaan ka mida maamulka Somaliland oo ka noqdey goosadka

March, 20, 2019
Xildhibaan ka tirsan maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu ...

Ehelada agaasime xalay gurigiisa Hargeysa loogu soo daatey oo afka furtey

March, 20, 2019
Askarta Muuse Biixi ayaa xalay u daatey guriga ...

Laba argagixiso oo uu ku dhacay xukun ku haboon falka ay galeen

March, 20, 2019
Maxkamada ciidanka ayaa ku hekay kava argagixiso ibay ...

Dhacdooyinka

Wasiir Somaliland ah oo ka cadhoodey su’aalo lagu garaacay

March, 17, 2019
Fadeexada wasiirka arimaha dastuurka oo ah kursi madhan ...

Shacabka degmada Araabi oo ka banaabaxay balano looga baxay iyo maamul xumo: SAWIRO

March, 10, 2019
Shacabka degmada Araabi ee ismaamulka Somali galbeed ayaa ...

Khuburo ku sheeg uu dhegeysto Trump oo toos ula jira Kiiniya muranka badda

March, 9, 2019
Khuburo isku sheeg Trump talada ka dhegeysto gaar ...

Muslimiin Somali ku jjrto oo ka banaanbaxay khaniis la barayo caruurta Ingiriiska

March, 8, 2019
Muslimiin ay Somali ku jitto ayaa banaanbax balaaran ...

Isku duwaha caafimaadka gobolka Awdal Yaabe oo durba gobolka keenay mashruuc balaaran

March, 7, 2019
Isku duwaha caafimaadka gobolka Awdal Maxamed Xaaji Cumar ...

Ma nihin adoomo sidii la rabo loola dhaqmo: Erduqaan oo Maraykanka ku qarxiyay

March, 7, 2019
Madaxweynaha Turkiga Erduqaan ayaa ku qarxiyay Marsyksnka oo ...

Sirdoonka Maraykanka oo raadinayo tabeelooyin dila oo ka dhana Ilhaan Cumar

March, 3, 2019
Sirdoonka Maraykanka ee loo soo gaabiyo FBI ayaa ...