X

Xog cusub oo laga soo saaray haweenayda dishey Injineer Yariisow

Baadhitaan ldheer ayaa lagu ogaadey xogo dheeraada oo ku saabsan haweenaydii dishey Injineer Yariisow oo ku dhawaatey inay disho madaxweyne Xasan Sheekh iyo Farmaajo.


Barnaamijka oo dib u raacay sooyaalka gabadhaas oo magaceeda dhabta ah uu yahay Maryam Cabdiraxmaan Muxumad Abiikar, sida ay shaqada uga heshay maamulka gobolka Banaadir iyo waxyaabaha la xiriirinaya kooxda dhiigmiiradka ee gaalaynta muslilmiinta.


Waxyaabaha yaabka leh ee xogta lagu bandhigay waxaa ka mid ah in Basiira hooyadeed ay sidoo kale tahay qof aragga la’ oo u ololeeya argagixisada shabaab, islamarkaana haweenka ku dhiiri-gelisa inay ka mid noqdaan kooxdaas.

Basiira hooyadeed ayaa hadda ka hor wiil kasoo doontay gabadheeda oo Muqdisho ku sugan waxay ku tiri “gabadheeda ma guursanayo wiil aanay ka soo ureyn rasaasta mujaahidinta.”


Basiira oo 26 jir ahayd ayaa abaaheed waxa uu dhalay 16 canug oo 10 wiil iyo 6 gabdhood ah, hase yeeshee aabe Cabdiraxmaan Muxumad ayaa la sheegay inuusan saameyn badan ku lahayn nolosheeda.

Basiira adeerkeed ayaa sidoo kale la sheegay inuu ka tirsan yahay ururka Al-Shabaab islamarkaana u qaabilsan yahay dhanka canshuuraha.

Hoos ka dhegeyso sirta argagixisadan



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.