Saturday, July 27th, 2024
header










Meta







Wasakhda bulaacadaha iyo dhiiga xoolaha oo toos loogu shubo bada Muqdisho iyo cuduro ay keeni karaan: DARAASAD

Guddoomiyaha hay’ad cilimi baaris Admiral Faarax Qare ayaa sheegay in carrada laga qodayo xeebaha Muqdisho, bullaacadaha iyo waliba dadka badan ee ku dabaalanaya xeebta Liido ay dhalinayso in biyaha xeebtu ay dhibaato caafimaad u geystaan dadka shacabka ah, sida lagu ogaaday cilmi baaris ay hay’adu sameysay dhowr jeer.

“Waxaan qaadanay go’aan ah inaan baarno biyaha xeebta iyo carrada, waxaan ka baarnay afar meelood, meesha koowaad waxay ahayd Kawaanka bari ee xoolaha lagu qalo oo dhiiggu badda ku socdo, Liido oo ay Xamar inta deggan ku dabaalato jimcadii, Aw-Aweyska oo Xamar Weyne ah iyo Dekadda Muqdisho” ayuu yiri Faarax Qare.

Baaritaankaan ayaa lagu ogaaday in biyaha xeebahani ay dadka dhibaato dhinaca caafimaadka ah u geysan karaan bulshada, maadaama aad loo wasaqeeyay.

“Laba jeerbaan sameynay, natiijaduna waxay noqotay in biyahaasi aysan ahayn sidii la rabay oo ay joogaan heer ay noolaha dhibaato u geystaan, markii ay natiijadaasi soo baxday ayaan jecleysanay inay nala wadaagaan hay’adaha ku shaqada leh arrintaas iyo culimada ku shaqada leh cilmigan” ayuu yiri guddoomiyaha hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliya.

Daraasaddan oo shalay lagu soo bandhigay Muqdisho ayaa sidoo kale lagu sheegay in wasaqda ay maraakiibta shisheeye ku daadiyaan xeebaha waddanka ay dhibaato kale ku wayso waddanka. Waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda, maamulka gobolka Banaadir iyo aqoonyahanno ka socday jaamacaha dalka qaarkood.

Xebaha Somaliya guud ahaan ayaan Somalidu ka faaiideysan waxana sunta ugu xun ku shuba maraakiibta waxase lala yaabey dadka ku dabaasha oo lagu daray.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...