X

Wasiir Beyle oo sheegay arin ay ku farxaan kooxaha lacagaha laga amaahdo: SAWIRO

Wasiir Beyle ayaa sheegay arin ay ku farxaan kooxaha lacagaha laga amaahdo. Wasiir Beyle oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda Bankiga Adduunka, Hay’adda IMF iyo masuuliyiintii kale ee shirka ka soo qayb gashay ayaa sheegay inay ku qanceen habka ay Soomaaliya u maareeyso dhaqaalaha kooban ee soo gala Dalka.



“Shirka aan la qaadannay Bankiga Adduunka iyo IMF waxay aad ugu qanceen qaabka maamulka Maaliyadda, waxayna noo ballan qaadeen in ay naga caawin doonaan arrimaha deynta”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.

C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa intaa raaciyay inay Dowladda Soomaaliya ka go’an tahay inay ku shaqayso hufnaan iyo aragti fog, wuxuuna ballan qaaday inay Wasaaradda Maaliyaddu laba laabi doonto dedaalladeeda ku aaddan kobcinta dhaqaalaha Dalka si Beesha Caalamku u aaminto.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.