15/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Wasiir ku xigeen ka sheekeeyay qof diyaarad la saarnaa oo Wajeer laga waayay

Wasiir ku xigeenka caafimaadka dawladii dhacdey ee Somaliya ayaa ka sheekeeyay diyaarad uu ka soo raacay Muqdisho oo laga waayay qof ku qornaa liistada laakiin la waayay markii diyaaradu ka degtay Wajeer.



Sheekadan ayuu ku qorey bogiis facebuug Cismaan Maxamed Cabdi oo loo yaqaan Daalo.

“Nayrobi wey dheer tahay weyna dhowdahay hadba waa sidii lagaaga dhigo waxaan galney safar gaaban aniga iyo saxiibkeey Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad safarkaas waxuu ahaa mid taariikhi ah.



Waxaana naga yaabiyey wakhti badana naga qaatey qof ka mid ahaa dadkii lagu tirinaayey inuu dayaarada kasoo raacey Muqdisho hadana Wajeer markii la yimid la waayey taas waxaa ka daran qofkii Boorsadiisa Dayaarada ayey saaran tahay.”ayuu yiri Cismaan Daallo.

“Taas waxeey keentey dadkii dayaarada saarna in hal hal qof loo baaro loo yeeriyo lasoo dejiyo la saaro hadana lasoo dejiyo la saaro 4 saacadood saf iyo baaritaan ku jira ciidan waxii Wajeer joogey waxii Eey Joogey Dayaarada ayaa lagu baarey hadana waa la waayey ruuxii la raadinaayey bal adigaba sheeg meesha uu aadey qofkaas.”!!!



Ugu dambeyntii diyaarada ayaa afar saacadood kadib loo oggolaaday inay safarkeedii iska sii wadato iyadoo la waayay mid kamid ah rakaabkii ku qornaa inuu saaran yahay diyaarada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS