10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Wasiir ku xigeen la magacaabay oo xilkii iska casilay sheegayna in aan lagala tashan

kulmiye-170x114[1]Muqdisho-Araabinews–Wasiir ku xigeen ka mida kuwa la magacaabay laguna magacaabo C/raxmaan Kulmiye Xirsi C/raxmaan Dheere ayaa sheegay in uu si cad ugu sheegay Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid in uu iska casiley xilkan.

“Waxaa go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga ee la ii magacaabay 5-tii bishan febraayo, la igama tashan, waxaana uu khilaafsanaa habka awood qeybsiga”ayuu yiri C/raxmaan Dheere oo wareysi siiyay idaacada BBC-da.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa xilligan leh labo Wasiir kuxigeen, taasoo ah markii u horeysay ee ay Wasaaraddan yeelato Labo Wasiir kuxigeeno, inkastoo uu horay C/raxmaan Dheere u soo noqday Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Xukuumadii Saacid.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS