Wasiir musuqmaasuq lagu haysto ayaa shaqada laga joojiyay. Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibedda Mukhtaar Mahad Daauud aya booliisku ku fashilmey inay soo xiraan usbuucii hore.
Sababta uu raiisal wasaaraha shaqada uga joojiyay wasiir Mukhtaar Mahad Daauud ayaa lagu soo saaray war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska XasannCali Kheyre.
Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya markuu arkay Qodobka 99-aad xarfihiisa A,B,E iyo I ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, markuu arkay qodobka 100, xarfihiisa A,B iyo D,Dastuurka KMG ah ee JFS, markuu arkay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu aas-aas u yahay ku dhaqanka dastuurka, xeer hoosaadka Golaha Wasiirada, shuruucda iyo Xeerarka u yaalo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,
Ayna ku shaqeyneyso daahfurnaan, isla xisaabtan iyo Dowlad wanaag ku saleysan qorshaha Horumarinta Xukuumadda Qaranka, markuu tixgeliyay soo jeedinta Hanti dhowrka Dowladda, markuu garowsaday in laga gun gaaro dulucda murtida eedeynta lagu soo oogay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibada
Wuxuu meel mariyay shaqo ka joojin, laga bilaabato maanta oo ay taariikhdu tahay 9-ka bisha Sideedaad August sanadka 2018-ka, waxaa shaqada laga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud
Si Hay’adaha isla xisaabtanka sharciga oo ay ugu horeeyaan Hanti dhowrka Guud iyo Xeer ilaaliyaha Guud waajibaadkooda uga gutaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.”
Dawlada ayaa isku dayaysa inay musuqa la dagaalananto inkastoo welli aan lagu guulaysan cidii amniga sugi lahayd guud ahaan dalka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS