November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Wasiir Warancade oo Jabuuti ka dacwoonaya wuxuu sitaa baasaboor Jabuutiyaana wuxuu ku galay Jabuutiyaan

Wasiir Warancade oo Jabuuti ka dacwoonaya wuxuu sii oo ku galay Jabuuti baasaboor Jabuutiyaan, markaas isagu maanu ahaun reer Jabuuti.

Iska hor-imaatinkan Hubaysan waxaa keenay kadib Markii Markab laga leeyahay Dalka Masar kaasi Ruqsada Kalun Dabashada ka haysta Somaliland ,isla markana ay hujuum kusoo qaadeen Cidamada Badda ee Jabuuti, iyaga oo Dhimasho iyo dhawacba u gaystay Cidamadii ka socday dhinaca Somaliland iyo Kabtankii markabka oo dhawacmay.

Hadaba waxa ay ahayd in Madama dhinaca Somaliland ay dhibta iyo gardaraduba ay soo gaadhay ,Dhimasho iyo dhawacna ay la kulmeen,waxa ay ahayd in Dhinaca Jabuuti laga keeno Raali galin ,isla markana ay cadeeyaan in ay ka Xun yihiin sida ay wax u dhaceen.

Iyada oo aan taasa la gaadhin ayaa waxa si Qalab-Qalaba ,Oroda Jabuuti ku tagay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ,isaga oo aan wax Casumada iyo Ogolaansha midna aan ka haysan Dawlada Jabuuti , marka laga tago in isagu uu leyahay dhalashada jabuuti amma Basaboorka .

Balse Cali Waran-cadde waxa kaliya ee uu isku halaynayay ayaa waxa ay ahay isaga oo sitay BASABOR JABUTI AH, xusuus naw waxa uu ka dacwoonayana waa Jabuuti.

Akhristaw sidee ayay suura gal u tahay Nin Sita Basaboor jabuuti ah ,in uu ka Dacwoodo Jabuuti taasi macnaheedu miyanay ahayn Nin Dadkisii iyo Dalkiisi ka dacwoonaya, waxaa kaloo meesha ku jira in Madaxda Reer Jabuuti ay Siyasiyiinta Somaliland u yaqanaan Niman Reer Jabuuti ah ,madama Ninkasta oo Siyasi Somaliland ahi uu sito Basaborka Jabuti ,Tasoo ay Sabab u tahay Aqoonsi la’aanta Dalka haysata .

W.Q /Qareen. Khadar Ibrahim Aar