Friday, March 29th, 2024
header










Meta







Wasiir Xundubey oo qarxiyay sir aan la hayn karin oo khiyaana

Wasiirka arimaha gudaha Xasan Xundubey ayaa dibedda soo dhigey sir iyo khiyaano aan la qarin karin oo ku saabsan raiisal wasaaraha la dhimay awoodiisa ee Gunti Giijiye. Wasiirka oo bartiisa baraha bulshada ku qorey ayaa sidan u hadlay.



Ka dib: markii aan dareemay in dawladda Soomaaliya ay dhaqaala la’aan xoogani hayso, ayaan Rooble u tegay. Waxa aan ku iri: walaalow, dhaqaala la’aantaan kuma sii jiri karnee, aan Wadamada Carabta ee afartii sano ee la soo dhaafay aan wax dhaqaala ah oo muuqda na siin, aan albaabadooda garaacno! Carabtiina waa taas heshiisay oo arimihii Gacanka Carabtu waa iska dhamaadeene, yaanan kaligeen meel cidla ah iska fadhine!



Waxa uu igu yiri: waa yahaye, ka soo shaqeey. Waxa aan go’aansaday in aan Masar ka bilaabo. Waxa aan la hadlay rag furayaasha Masar in ay haayaan aan ogaay. Arinkii Masar waa laga soo shaqeeyay. Waana lagu guuleestay. Markii uu arinkii bislaaday, asaga ayaa toos ula xariiray oo waa na dhinac maray, hawshiina waxa uu u dhiibtay DAD ay isku JUFA yihiin!



Markii aan ogaaday AF-GEMBIGAAS, waan u tegay Rooble. Waxa aan ku iri: waaba arkaa dhaqankaaga, ee maxaad Masar ula tegi rabtaa? Waxa uu ii sheegay waxyaaba yaryar oo aan i qancin! Waxa aan ku iri: walaalow, dal walba waxa uu leeyahay dad fura oo ay xantamaan, kuna kalsoonyihiin, ee maad qof iyo laba ka wadatid dadka Masar fura, arinkana horay u soo bisleeyay? Waa uu diiday.

Waxa aan mar dambe xog ku helay in markii uu Masar tegay lagu yiri: waxa aad rabto ma taqaanide, marka dambe noo imaaw adiga oo yaqaana waxa aad rabto!

Asaguna marna nalama wadaagin wixii uu socdaalkaas iyo kuwii kale ee faraha badnaa uu kala soo kulmay!
●Imaaraadka:


Markii uu fashiliyay arinkii Masar, waxa aan sii wadnay arinkii Imaaraatka, anaga oo reja ka qabna in uu is garan doono. Sidii hore oo kale waxa aan ku guulaysanay in aan xariirkii Imaaraadka soo celino. Laba jeer ayuu Rooble la kulmay Danjiraha Imaaraadka Soomaaliya u fadhiya.Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliyana waa joogtay fadhiyadaas. Waxa aan ka codsanay Imaaraadka, in ay dhaqaale ugu deeqaan Dawladda Soomaaliya, waana ogolaadeen, wax SHURUUD ah oo ay nagu xireena ma jirin, oo aan ka ahayn in aan RAALI-GELIN ka bixino arimihii lacagta ee horay looga xayiray.

Markii hawshii leesku afgartay waxaa leesku raacay in aan anugu tago Imaaraadka oo aan gogol xaar u sii sameeyo, asaguna uu yimaado.
Habeenkii talaadada ee 07/09/21, ayaan aniga iyo Rooble balanay oo uu ila dardaarmay.
Hayeeshee, Rooble wuxa uu mar kale go’aansaday in uu AF-GEMBI kale sameeyo oo uu arinka u dhiibto Dad JUFADIISA ah, anigana uu DHABAR-JEBIN igu sameeyo.

Maalintii Arbacada ee 08/09/21, waa maalin kadib uun, markii uu ila dardaarmay, ayuu qaatay go’aan sharci dara ah oo uu leeyahay xiliki waa ka qaaday!



Waxa aan isku dayay dhowr jeer in aan la xariiro oo aan waydiiyo sida ay wax u jiraan? Marnaba Taleefan igama qaban, ilaa haddana isma maqal, hadii laga reebo dad waxgarad ah oo uu ii soo diray oo uu ku yiri: Xundubey igala hadla ee qoraalada ha joojiyo!
Intaa kadib: DADKII ay isku Jufada ahaayeen ayuu u diray Imaaraadka, si ay arinkii ula wareegaan!
Ma aqaano halka arinkaasi ku dambeeyay! Asaga – waa Rooblee – ayaa laga rabaa halka uu arinkaasi ku dambeeyay!
Sida lawada ogyahayna XOGAHA socdaaladiisa oo dhan cid JUFADIISA ka baxsan lama wadaago!
Sida wax u dhaceen oo kooban waa sidaas.
■Xogtuna waa HANTI dadweyne, oo lama qari karo!

Qalinkii Xasan Xundubey



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Heshiiska badda ee Soomaaaliya iyo Turkiga yaa ka naxay ma Axmaarka mise??? XASAASI

February, 24, 2024
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qalinka ku duugay heshiis ...

Caruurtii uu hooyadood ku hor gubay oo afka furtay: Qaracan runtii

February, 21, 2024
Maxkamad samirsiin u ah qoyska la baxsaday gacan ...

Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa

February, 20, 2024
Qisada amiir Cumar binu khadaab iyo haweenayda ooyaysa. ...

Dawlada Somaliya oo si toosa u sheegtay aqoonsiga Awdalstate

February, 13, 2024
Dawlada Somaliya oo si cad u sheegtay inay ...

Madaxweynaha Awdalstate Dr Nageeye oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

February, 8, 2024
Madaxweynaha Awdalstate Dr Cabdisamad Nageeye ayaa si diiran ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...