Saturday, November 27th, 2021
header










Meta







Wasiirada Mustafe Cagjar oo noqday jug-jug meeshaada joog

Madaxweyne ku xigeenka Somali galbeed Mustafe Cagjar oo shalay dib loo doortey ayaa soo bandhigey gole wasiiro oo aan waxba ka duwanayn kuwii hore u jirey, waxana jira dhowr qof oo cusub. Tirada wasiirada ayaa weliba xad dhaafa.



Sidii caadiga ahayd waxa boosaska muhiimka ah uu ku taxay beeshiisa halka beelaha u dhigma sida Samaroon lagu cabay oo hal wasiir oo quudha loo soo tuurey. ”Samaroonku iyagaa halkaa is dhigey ayuu qabaa Xirsi Warfaa waxay Somali galbeed ka yihiin boqolkiiba 20.

Cad quudha looma soo tuureen hadday is muujin lahaayeen haddase in Ogaadeena sidan u yaso iyagaa u ogolaaday laakiin marka bulsho is yasto iyadana waa la yasi ayuu raaciyay Xirsi Warfaa.



”Tusaale waxa kuugu filan sida ay ku yihiin maamulka Somalilaan oo noloshoodu ay ku xiran tahay Hargeysa iyo Berbera ayuu yiri Xuseen Warsame.

Marka Ogaadeenku waa la socdaan arimaha ku xeeran waxayna ka muujiyeen golaha wasiirada. Bal fiiri Majeerteen hal wasiir ayuu siiyay afar qof baana ka degta Somali galbeed. Dhulbahante oo kaga badan Somali galbeed wasiir xitaa lama siin. Jidwaaq oo xaafad ka degta Jig-jiga wuxuu ku taxay 3 wasiir.



ISAAQ u fiirso Muuse Biixi jufadiisa wuxuu u tuuray hal wasiir halka Ciise oo muddo mucaarad ahaa cadkoodii iyo kii Samaroonba loo qaybiyay Daaroodka kale.

Taas oo muujinaysa in guud DIR lagu cabay kuraasta wasiirada ”Hadaad tahay dadka yidhaa qabiilku macno male ee waxqabadkaa ka fiican taas laguma arag Mustafe Cagjar oo xitaa kheyraadka dalka looma sina ayuu qabaa Xuseen Warsame.

Tani waxay wax u dhimaysaa haddii Somali galbeed noqon lahayd bulsho wada socota ama yeelata hadaf ay uga tashan karto mustaqbalkeeda fog ama u yeelan lahayd maamul waxtar leh.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)





Warning: Use of undefined constant end - assumed 'end' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/s8724/public_html/wp-content/themes/codkadalka_theme1/functions.php on line 1037
Wararka xiga

Ma Karoona 21 ayaa ka dilaacay Koofur Afrika?

November, 26, 2021
Ururka caafimaadka Aduunka ayaa hargabka cusub ee Karoona ...

Ciidanka Butlaan oo markale ku celiyay inayna aqoonsanayn horjooge Siciid Deni

November, 26, 2021
Ciidankii Butlaan ee aaga buuraha Galgala u joogey ...

Ma aragno wax aan uga cararno Addis ababa: safaarada Ruushka

November, 26, 2021
Ayadoo wadamada reer galbeedka ee taageera Tigreega kuna ...

Cabi Axmed oo sheegay in Tigreegu hadda baxsad yihiin lagana eryay Kasagita

November, 26, 2021
Raiisal wasaaraha Itoobiya oo hadda si toosa u ...

Maxay ku dhacday in Itoobiyaanku diidaan farogelinta shisheeyaha Somaliduna

November, 25, 2021
Isku soo baxii ugu weynaa ayaa maanta ka ...


Warning: Use of undefined constant end - assumed 'end' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/s8724/public_html/wp-content/themes/codkadalka_theme1/functions.php on line 1037
Dhacdooyinka

Jabuuti oo diidey in dalkeeda laga diro ciidamo Maraykanku ku qasayo Itoobiya

November, 14, 2021
Kadib markii shalay afhayeen u hadlay milatariga Maraykanka ...

Maraykanku haka noqdo cunaqabataynta uu saaray Eritariya iyo hanjabaada: Itoobiya

November, 12, 2021
Dawlada dhexe ee Itoobiya ayaa camvbaaraysay cunaqataynta Maraykanku ...

Sirdoonka Somaliya oo qabtey aragagixiso kaamaro ku qarsaday qarax

November, 11, 2021
Sirdoonka Somaliya ee afka qalaad loogu soo gaabiyo ...

Mustafe Cagjar oo hadda qirsan in Tigree xoog meelna ku gaarayn

November, 11, 2021
Madaxweynaha Somali galbeed Mustafe Cagjar ayaa hadda qirsan ...

Madaxweyne wacad ku maray inuu Afqaan iyo Somali ka soo buuxiyo xadka Yurub

November, 9, 2021
Ayadoo laga cabsi qabo in xadka Bolan iyo ...

Kiiniya oo kordhinaysa goobaha ay Somalida kaga qaadayso cashuurta

November, 9, 2021
Kiiniya ayaa sheegtay inay kordhinayso goobaha ay dhiganayso ...

Maxay yihiin dembiyada lagu helay Yugaandheyskii laga eryay dalka

November, 7, 2021
Wasaarada arimaha dibedda oo war siisay saxaafada caalamka ...