Danjire Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa kulan casho sharaf ahaa u sameeyay Ciyaartoyda xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ku sugan Magaalada Addis Ababa.
Waxa ay isku diyaarinayaan isreeb-reebka Ciyaaraha Olombikada oo lugta hore ay la ballansan yihiin Xulka Itoobiya.
asiirka oo la kulmay dhalinyarada ayaa ku dhiira-geliyay sidii ay guulo ugu gaari lahaayeen dhiggooda Itoobiya oo ay la ballansan yihiin.
Ciyaartoyda da’dooda ka hooseysa 23-sano jirka ayaa maanta oo Arbaco ah la ciyaaraha Xulka Itoobiya oo lugta koowaad ka dhici doonto Magaalada Addis Ababa.
Isreeb-reebka Ciyaarta u dhaxeysa 23-jirada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah Ciyaaraha Olombikada ee lagu qabanayo Magaalada Tokyo ee Dalka Japan sanadka 2020-ka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS


Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay