Thursday, May 9th, 2024
header










Meta







Wasiirka arimaha gudaha muxuu ka yiri magaalooyin ka tirsan Bakool oo maamul loo sameeyay

Wasiirka arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Xuseen Odowaa ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay in deegaanada laga sameeyay maamulka Bakool sare ay toos u hoos yimaadaan maamulka Koofur Galbeed.

C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in maamulka laga dhisay magaalada Ceelbarde ay ka warqabaan dowlad ahaan, ayna ka shaqeyn doonaan sidii arimahaasi xal looga gaari lahaa.

Isaga oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu sheegay in maamulka koofur galbeed ay kala shaqeyn doonaan sidii loo dhameyn lahaa go’aanka ay qaateen qaar kamid ah beelaha daga gobolka Bakool.

Sidoo kale wasiir Odowaa, wuxuu tilmaamay in mar walbaa ay dhacdo in beelaha qaar aysan ku qancin maamulada loo dhiso, laakiin wax wanaagsan aysan aheyn in degmooyin maamul loo sameeyo.

Maamulka Koofur galbeed ayaa horey u shaaciyay in marnaba  aysan aqbaleynin in deegaano hoostaga maamulkoosa laga dhiso maamul kale, waxayse arinta u muuqataa dagaal siyaasadeed oo u dhaxeeya maamulka Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

Puntland oo isxulufeysi siyaasadeed uu kala dhaxeeyo Jubbaland ayaa taageertay dhismaha maamulka Bakool sare ee gobolka Bakool.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...