Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Hadliye Cumar, ayaa qoraal uu ku soo qoray bartiisa Twiterka ku xaqiijiyey geerida wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisal wasaaraha Burci Maxamed Xamze oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday hotel Naasahablood ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa Alle uga baryey in uu Janaddii geeyo marxuumka dadka uu ka baxayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.
Burci Maxamed Xamze ayaa wuxuu ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Hotelka xilliga argagixisadu weerarka ku soo qaadey, wuxuuna ka mid noqday dadka weerarka ku dhintay.
Allaha u naxariisto Burci, wuxuu horey u soo noqday wasiiru dowlihii wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya, haddana wuxuu ahaa Wasiiru Dowlaha dhanka Bii’ada ee xafiiska Ra’iisul Wasaraha.
Sidoo kale, marxuumka Burci wuuxu ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay in ka badan 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen xasuuqii dhiigmiiratada aan soomanayn ku soo qaadfeen dadkeenii afurka ku sugayay Hotelka Naasahablood ee magaalada Muqdisho.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS