Tuesday, April 16th, 2024
header










Meta







Wasiirka difaaca oo xaqiijay argagixis lagu diley xerada Turkiga

Waxaa saaka lagu toogtey xerada tababarka ciidamada Somaliyeed ee magaalada Muqdisho argagixis rabay inuu isku qarxiyo. Argagixisada iyo gaalada waxay ka siman yihiin la dagaalanka ciidan xoogan oo dalku leeyahay. Dhiigmiiradka ayaa markiiba la toogtey sida uu xaqiijay wasiirka difaaca Odowaa.



Ninka waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa doonayay in uu isku dhax qarxiyo dhalinyaro wax baratay oo loo qaadanayay Leyli sargaal oo safaf dheer ugu jiray in ay galaan xerada Milatariga ee Turki-Som.

Inta la xaqiijiyay qaraxan ismiidaaminta ah ee ciidamada fashiliyeen waxaa ku dhintay labo qof oo mid ka mid ahaa ardaydii dooneysay leyliga sargaal halka midka kalana uu ahaa qof shacab oo firirka qaraxa ku dhax dilay gurigiisa oo xerada ku dhawaa.



“Qof xiran walxaha qarxa ayaa isku dayay in uu soo dhexgalo dhalinyaro Jaamacaddaha ka soo baxay oo doonayay in ay ciidamada ku soo biiraan, balse ciidamada ayaa ka shakiyay iyagoo toogtay kahor inta aanu soo dhexgalin galin ardayda ” ayuu yiri jeneraal Odowaa.



Xerada milatariga Turkiga ku leeyihiin magaalada Muqdisho ayaa inta badan lagu tababaraa saraakiisha iyo ciidanka kala duwan ee dowlada, waxaana xeradan ku xareesan dhalinyaro badan oo doonaya in ay ka mid noqdaan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Ruushka oo tijaabiyay gantaal rajo tiraya difaaca Maraykanka

April, 13, 2024
Wasaarada difaaca ee Ruushka ayaa shaacisay inay tijaabisay ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...