Wasiirka gaashaandhiga iyo taliyaha ciidanka ayaa iscasiley. Is casilaada labadan masuul ayaa la horkeenay golaha wasiirada halkaas oo golahu ka dhegeystay.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Golaha Wasiirada Soomaaliya la soo gaarsiiyay in Taliyihii Ciidanka xoogga dalka Axmed Maxamed Jimcaale Gen. Cirfiid uu is casilay, kadibna Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Golaha Wasiirada uu horkeenay talo soo jeedin ku aadan Taliyaha xoogga dalka, maadaama booska uu banaanaaday in Sareeye Gaas C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) loo magacaabo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, dood dheer iyo falanqeyn kadib Golaha Wasiirada ayaa ogolaaday in Gorod uu noqdo Taliyaha Ciidanka xooga dalka.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in uu is casilay Wasiirkii Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed, sababo isaga u gaar ah awgeed, Golahana ay ka aqbaleen codsigiisa.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay