20/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Wasiirkii difaaca ee Afganistaan oo is casilay iyo sababta

Wasiirkii difaaca ee dalkaasi Afgaanistaan ayaa is casilay kadib markii askar la shaqaysa argagixisada oo lacag qaatey ay xasuuqeen ciidanka dalkaasi oo salaadii duhur ee Jimcaha ka soo baxay. Askarta ay xasuuqeen ayaa gaaraysa ilaa boqol.

Argagixisada Taalibaan ayaa kiraysatey askar ka mida ciidanka Afganistan ee xero ku taal Woqooyiga dalkaasi waxaynas weerar ku beegeen xilliyada askarta ka soo baxeen cibaadada RABI ayaguna ayna tukan laakiin xasuuqa sugayeen.

Askari ka badbaaday xasuuqa fuleynimo ayaa sheegay in xeradu leedahay ilaa shan goobood oo laga soo galo waxana cad in argagixisada rag u joogeen intaba kadibna ay soo daayeen.



Wasiirka difaaca ayaa sheegay in uu gudan waayay waajibkiisa sidaana isku casiley. Argagixisada ayaa ku ugaadfhsata Muslimiinta goobaha cibaadada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS