November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Wasiirkii Puntland shaqada uga eridey in uu dawlada taageeray oo jawaab bixiyay

Wasiirkii Puntland shaqada uga eridey in uu dawlada taageeray ayaa ka jawaabey talaabada shaqada looga eryay kuna tilmaamey in aanu garanayn waxa ku xigeen shaqada uga eryi karo.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. C/xakiin Xaaji C/laahi Cumar (Camey) ayaa xeer Lr-19  September 13 2017, xilka looga qaaday Wasiirru Dawlihii Madaxtooyada ee Xirirka Gobolada Puntland.



Wasiirkan oo wareysi siiyay idaacada codka Maraykanka ayuu kaga hadlay arrinta Sarkaalka ONLF, oo uu sheegay in ka Puntland ahaan ay taageersan yihiin in Dowladda ay (Qalbi-dhagax) ku wareejiso Itoobiya.



 “Arrimahaasi war kama haayo telefoono la soo dirayay waan maqlayay, sabab uu Madaxweyne ku xigeenka uu xilka igaga qaado garan maayo, anigu waxaan ka hadlay mowqifkii Puntland oo ahaa wixii ummadda Soomaaliyeed dhibaateynaya in ay ka soo horjeesato, in xilka la iga qaaday iyo in kale ilaa hadda ma haayo.” Ayuu yiri Bashiir Gurxan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS