X

Wasiirka arimaha dibedda Somaliya oo la kulmay safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho+SAWIRO

Muqdisho–Wasiirka arimaha dibedda Somaliya C/salaam Hadliye ayaa kulan isbarasho la qaatay safiirka Shiinaha u fadhiya Somaliya u fadhiya Muqdisho. Kulankan ayaa u badnaa is barasho iyadoo dhinaca kalana laysla soo qaaday xiriirka labada dal.

Dowladda China ayaa aqoonsatay qaranimada iyo gobonimada Jamhuuriyadda Soomaaliya 14 –kii bishii December sanadkii 1960 –kii ,taa badalkeeda Dowladda Soomaaliya waxa ay hormuud u aheyd,olole hogaamineed u noqotay dowladihii u codeeyay in dowladda China ay xubin buuxa oo joogta ah ka noqoto Golaha ammaanka, taasoo u suura-gelisay Xukuumadda Beijing inay yeelato awoodda codka qayaxan ee diidmada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.