Thursday, May 9th, 2024
header










Meta







Wax ma ka taqaan luqada ciyaalka xaafada

Luqada Soomaaligu waa luqad aad u horeysa oo aan u baahnery inay luqad kale wax ka soo amaahato. Waxayna ka da’weyn tahay luqada aduunka jira ee hadda caan baxay sida Ingiriiska, Faransiiska.

Waxayse luqadu halis gadhay markii ay burbuttey dawladii dhexe waxana kaalintii buuxiyay luqado shisheeye oo ay inta faafiyaan idaacadaha gaalada iyo weliba dhaqabnkii luqadaha kale oo xoog ugu faafay dalka.



Maanta magaalooyinka Soomaalida waad ka naxaysaa markaad dhex socoto, waxaanad is leedahay ma Sooamaliya ayaa dhex joogaan mise dal shisheeye, waxana heerkaas gaarsiiyay waa maamul xumada jirta.

Waxaan dhageystay Dhalin yaro Somali ah oo sheekeeysanayo, laakin dhowr weerood oo hadaladoodii ka mid ah ma fahmin.



Bal Adigu haddii aad iga roon tahay ii Macnee?

Sey Wallaahi, Gooy Baro, Waa Nuureysaa, waa Bajaq, Nuucaas waaye, Waa kala kacsn tahay, waa isku yaacsan tahay, Dhulkaan hoos marayaa, waa Xabbad Jirto, Waa Shidan tahay, Iska Camba Cambeyso, ii Cimaamad nooh, waa Booday, Jiqeey ku tahay,kan waa ka dhamaatay.

Bashaan ku ahay, Naga Gooy, U gambi, dhac dhac, Waa nuucee, Taargo ma leedahay, Igu Qaado, Balbalaarka, Saas mii, Jeebka banaanka dhig, Madax la bax, Baska ka deg, Baal weyn, Maxaa isku dhacayo caawa, Dhii dhiin, wey dhiiqeysaa, waa falaq falaq, Abuu Ukun, Maxaa kaa khaldan.



Adigaa lagu dhahaa, Faras Cad ayey saaran tahay, woow is daqraa, Dufuloow, Koramku ma dhamo, iga bareejeey, is dar dar, Single Father Fiigsan, soo Qor, Olyadey daadisay, too Bac ka sii ah, ka dhanaansaday, waa Jirtaa, Khatar waaye, waa kaa dhuujiyay, ku Qabso, waa mid koobi ah,

Waa shuufay, waa Caarifay, Honey, ka Qileey, Bibe, Ciyaal dhaqan celis, Caadi iska Dheg, Kor uga bax, Badar noole waaye, dhulkaan ku jiiday, Naga booti, ha nagu shidin,



Suuf waaye, Farmashiyuu ka soo Casheeyay, Iga Dhamaaw, Guudo, Habeenka 1aad ee Arooskeeda khadka ka bixi meeyso, Caadi iska dhig, Waaweynka waaye, ii Codey, Matooraa Saaran, i soo qabo, iyo kalmado kale oo aan qaban waayay.

Dabcan dhamaan kalmadahaas aya isugu Jiro nolol malmeedka iyo shukaansiga.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...