X

Yurub oo aad uga carootay dhuumo gaas oo Maraykanku qarxiyay

Midowga Yurub oo la daala dhacaya dhaqaale xumo, lacagtoodii oo burburtey iyo sixir barar ooda goostey kadib markii ay cunaqabatayn isku soo rogeen raaceena Maraykanka ayaa aad u carooday dhuumaha gaaska ee Marayakanku qarxiyay.



Dhuumahan gaaska ka keena Ruushka ayaa la qarxiyay Isniintii, waxana hoos u dhacay cadadka gaaska ee maraya dhuumahaas, ayadoo wadamada Iswidhan iyo Dhanmaak ay sheegeen in gaaskii badda u soo baxay.

ā€¯Khidadan waxa fulin kara oo keliya dawlad weyn oo wadata gujiskeeda, ama quusayaal iyo maraakiib ayuu yiri wakiil u hadlay Jarmalka oo ah halka ugu badan ee gaaskani tagaayay, haddana qaba khasaaraha ugu weyn. Waxayna fartu ku godan tahay Maraykanka oo Jarmalka u sheegay in la qarxinayo dhuumaha.



Haweenayda gudoomiyaha u ah reer Yurub oo warbaahinta la hadashay ayaa tiri waa in si degdega loo baaraa arintan, waxayna ka digtey cawaaqib xumada ka dhalan doonta hantida reer Yurub ee la qarxiyay.


Arintan ayaa u eg mid meel xun gaari doonta haddii ay ku cadaato in Maraykanku qarxiyay asagoo rabay in sidaa reer Yurub ku waayaan gaaska Ruushka waayo wax faaiido ah uguma jirto Ruushka inuu dhuumihiisa uu qarxiyo.

Waxase la ogaan karaa maalmaha soo socda halka ay ku biyo shubato.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.