X

Waxa Kooro nooga daran gaajada: Cimraan Khan

Raiisal wasaaraha Bakistaan ayaa sheegay in cudurka Kooro ay uga daran tahay gaajada Ku gaabsatey malaayiin reer Bakistaan oo lagu amrey inayna guryaha Ka soo bixin. Cimraan Khan ayaa amaaho dheera Ka dalbadey hay’adaha dhiigmiiratada ah sida bangiga aduunka iyo lacagta aduunka.


Bakistaan ayaa hore u qaadatey lacag loogu talogalay cudurka Kooro waxase dalku aad uga biyo diidey tirada ay yihiin iyo lacagta loo qoondeeyay oo ah 4 bilyan doolar.

Bakistaan ayaa hore lacago u weydiisatey Sucuudiga laakiin hadda Sucuudigii laftiisa ayaa xaniban inkastoo uu haysato balaayiin doolar oo uu ku qasaariyo hub iyo dhismayaal macno daro ah oo uu ka ag dhisay xaramka.


“Malaayiin reer Bakistaana ayaa ku nool saboolnimo saaida waxayna ku nool yihiin waxay maalinimada soo xereeyaan. Mar haddii la amrey inay guryaha joogaan waxa meesha ka baxaya nolol maalmeedkii soo gali lahaa ayuu yiri Cimraan Khan oo aan la imaan qorshe uu ku badbaadiyo dadkiisa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.