X

Waxa sharaf ii ah inaan qayb ka noqdo dib u dhiska ciidan qaran: Afwerki

Fadhiid Xasan Culusow oo hore u sheegay in la gatay ciidanka la geeyay Eritariya ayaa madaxweynaha dalkaasi indhihiisa ku tusay baaxada iyo tayada ciidanka uu caayi jirey asagoo hab qabiiliya u weerari jirey madaxweynihii hore.


Madaxweynaha Eritariya Asa Afawerki oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inay sharafu tahay inuu qayb ka noqdo dib u dhiska ciidankeena qaranka oo inagu aan gacmaheena ku burburinay.


Xasan qabiiliiste oo ilaa hadda aan la garanayn sida lagu doortey laakiin keliya la ogyahay in gaalada Xalane qayb weyn ku lahayd doorashadiisa ayaa wararku sheegayaan inuu raaligeliyay madaxweynaha martida geliyay.



”Xasan Culusow ilaa hadda raali gelin buuxda ma siin ciidanka qaranka iyo dhamaan ummada Soamliyeed ee uu beenta u sheegay sida xuna uu qabyaaladeeyay, dalbadayna inay ka soo baxaan oo isaga u dagaalamaan ayuu qabaa Cali Calasow.

Foolxumo ka weyn ma jirto shaqsi sidaa u hadli jirey inuu maanta ciidanka qaranka hor fadhiisto. ”Waa ku qasbanaa inuu soo arko ciidankii uu cayn jirey.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.