X

Milatariga Yaman oo ku hanjabay inay dhulka dhigi doonaan Beej Khaliifa

Milatariga Yaman ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan carwada sanadlaha ee Dubay ee ay ku kulmaan ganacsatada waaweyn iyo weliba kuwa suuq geeya wax soo saarkooda. Waxa kale oo ay weerari doonaan dhismaha ugu dheer aduunka ee BeeJ Khaliifa ee ka dhisan  Dubay. Milatariga Yaman ayaa dhawaan laba weerar ku qaaday Abudabay.


Weerarka hore waxa ku dhintey 3 ajaaniba lixna way dhaawacmeen halka midka kale ay sheegteen inay soo rideen gantaalka oo uu ka caawiyay Maraykanka.


”Waxaan u sheegaynaa inaan burburin doono dhismaha ugu dheer Dubay aanan dhulka dhigi doono dhaqaalaha dalkaas iyo dalxiiskaba hadday saaxiga keeni waayaan oo ay joojin waayaan farogelinta ayaa lagu yiri qoraalka.



Imaaraadka ayaa hub geeyay jasaarida Soqodaara ayagoo caawimo ka helaya Maraykanka iyo Yuhuuda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.