X

Weerarada argagixisada bisha Ramadaan iyo qarax ay ku dileen xeer ilaaliyihii Masar

Qaahira–Weerarada ka dhanka muslimiinta ee ay fuliyaan argagixisada caalamiga ah ayaa waxa u dambeeyay weerar qarax oo lagu dilay xeer ilaaliyihii Masar kadib markii gaadhi uu saarnaa lagu fuliyay qarax. Masuuliyiinta Masaarida ayaa sheegay ayaa sheegay in uu u dhintey filidhyo ka soo gaaray laabta, beerka iyo garbaha qaliin kadibna uu geeriyooday.

Waxa isla qaraxaas argagixisada ku dhintey gawaadhu badan oo goobta marayay iyadoo argagixisadau ayna xushmad iyo sharaf u haynin bani aadamka. Dhimashada ayaa gaaraysa sadex oo ahaa dad shacaba dhaawaca ayaa la sheegayaa in uu intaa ka badan yahay.

Masar ayaa dagaal kula jirta argagixisada caalamiga ah iyadoo madaxweynaha Masar uu sheegay in dalku ku jiro xaalad ku badbaadinayo aayihiisa.

Dadka ku nool guryaha u dhawaa halka qaraxa ka dhacay ayay daaqadihii burbureen xooga qaraxa awgeed. Lama garan karo in loogu xidhey gaadhiga iyo in wadada gaadhi kale ku ag qarxay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.