Thursday, March 28th, 2024
header










Meta







Weriye banaanka soo dhigey goob dadka lagu furto oo u dhow garoonka Muqdisho

Waxaan inta badan maqalaa dadka ka soo dhoofa garoonka Muqdisho ee u socda Kiiniya in lagu dejiyo Wajeer oo Kiiniya ah kadibna marka si xun o baadho haddana dib ugu soo dhoofaan garoonka Nayroobi, waxase daka Muqdisho ka soo dhoofa ay sheegeen goob kale oo laysku baadho oo garoonka u jirta nus kiiloomitir.



Goobtan dadka lagu dhaco ayaa waxa soo maray oo lagu furtey weriye ka tirsan idaacada codka Marayakanka ee ka dhex hadasha idaacadii qaranka ee radiyo Muqdisho oo Ingiriis ahaan loo soo gaabiyo VOA.

Weriyahan ayaa lagu magacaabaa Jacfar Kuukey tan ugu darana waxay ahayd ayuu yiri in caruurtii lacagta laga qaaday haddana la yiraa dhabta ku qabta. Gumeysiga iyo dhaca halkaa ka jira ayuu kaga sheekeeyay qormadan.



”Waxaan tagsi ka soo qaadanay magaalada mafaafo garoonka u jirta 13km si aan uga dhoofo garoonka Muqdisho waxana aniga iyo qoyskeyga nalaga qaaday iskudar 16 doolar, waxase taksigu na dhigey goob nus kiiloomitir u jirta isla garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Goobta waxa iska leh shirkad lagu magacaabo SAHAL.

Waxaa la ii tilmaamay daaqad yar oo laga goosto warqadda baska lagu raaco. Waxaa dhex fadhiya laba nin oo dhallinyaro ah. Waxa ay i weydiiyeen tiradeenna. Markii aan u sheegay ayey iga dalbadeen lacag dhan $45 (Afartan iyo shan doolar)

“Suurto-gal ma aha, waxaa laga yaabaa in ay isu-geynta xisaabtu kaa qaldantay ee bal ku laabo” ayaan ku war-celiyay. “Waxba igama qaldana” ayuu la soo booday.



“Almiino ciyaalka oo aad kiiba lacag qof weyn ka dooneysid, maad nus) noo xisaabtid, sababtoo ah diyaaradda ay raacayaanba, waxaa laga qaaday nus inta dadka waaweyn laga rabo, maadaama ay 12 sano ka yar yihiin” ayaan ku boobsiiyay.

“Sxb waa intaas ee iska bixi lacagta haddii kale daaqadda iiga leexo, dadka kaa dambeeya aan u shaqeeyee” ayuu igu yiri.

Waxaa xusid mudan, in aysan jirin waddo ama qaab kale oo uu qof safar ahi ku gaari karo garoonka. Waxaa qasab ah in aad halkan soo marto, lacagta lagaa rabana aad iska bixiso!



Waxaan ogaaday haddii aan lasii doodo in uu waqti iga lumayo, suurto-galna ay tahay in aan diyaaradda seego, khasaare $45 ka badanna aan la kulmo.

Sidaa darteed, waxaan go’aansaday in aan ku dhowaad 50 doolar ku tago meel kiilomitir-barkiis ii jirta.

Xisaabtu waxa ay noqotay, in masaafadaas kiilomitirka ka yar, aan qofkiiba ka bixiyo lacag leeg tii uu Tagsigu nooga keenay meel dhowr iyo toban kiilomitir noo jirta (halka baabuur wuxuu nagu keenay $8, waxaana saarnaa 3 qof)



Waxaa intaa dheer, in qof kasta oo ka tirsan shaqaalaha shirkadda SAHAL oo boorsadaada taabta uu ku weydiinayo lacag intan ka baxsan.

Waxaa iigu darneyd markii baska lasoo saaray dad ka badan tirada kuraasta uu baabuurku leeyahay. Dadkii oo qaarkood ay baska dhexdiisa taagan yihiin, kuwo kalena ay dhulka tuban yihiin, ayuu soo fuulay mid kamid ah shaqaalaha shirkadda SAHAL, wuxuuna amar nagu siiyay in carruurta aan kuraasta ka kicinno, dhabtana saaranno, si dad kale ay u fariisiyaan. Ogow, carruurta waxaa laga qaaday lacag lamid ah tan qofka weyn laga qaaday.



Waxaan ku fekeray bal ka warran haddii dhibkan uu ku dhaco (wuuba ku dhacaaye) dad carruur badan wata, haddana aan awoodinba lacagtan xaq-darrada ah.

Nin aan saaxiib nahay oo Muqdisho aad uga warhaya, ayaan waxa igu dhacay uga sheekeeyay. Wuxuu igu yiri “sxb Xamar isbaarooyinkii qoriga wax leysaga qaadan jiray waa la qaaday, laakiin beddelkooda waxaa la dhigay Isbaarooyin qalinka leysku baarto, kuwan ayaana ka dhib badan kuwii qoriga, sababtoo ah kuwii hore waxbaa lakala khabeysan jiray, haddase sheekadaas ma jirto”

Soo akhrintii C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Heshiiska badda ee Soomaaaliya iyo Turkiga yaa ka naxay ma Axmaarka mise??? XASAASI

February, 24, 2024
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qalinka ku duugay heshiis ...

Caruurtii uu hooyadood ku hor gubay oo afka furtay: Qaracan runtii

February, 21, 2024
Maxkamad samirsiin u ah qoyska la baxsaday gacan ...

Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa

February, 20, 2024
Qisada amiir Cumar binu khadaab iyo haweenayda ooyaysa. ...

Dawlada Somaliya oo si toosa u sheegtay aqoonsiga Awdalstate

February, 13, 2024
Dawlada Somaliya oo si cad u sheegtay inay ...

Madaxweynaha Awdalstate Dr Nageeye oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

February, 8, 2024
Madaxweynaha Awdalstate Dr Cabdisamad Nageeye ayaa si diiran ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...