Sunday, May 19th, 2019
header

Whatsapp-kaaga oo la ogaadey in mudaba uu jabsanaa hadaba sidee wax u dhaceen

Waxa shirkada Whataspp ayaa ogaatey in aalad ama fure cudura oo ay samayso shirkad Yuhuuda lagu jabsadey shaqsiyaad badan oo isticmaala whataspp inkastoo an la ogeyn cadadka dadka la jabsaday telfoonadooda. Shirkada ayaa furahaas ka iibisa sirdoonka dawladaha caalamka.

Cudurka lagu soo furey WhatsApp ayaa u ogolaanaya inuu furo kaamarada telfoonada kadibna dhegeysto waxa lagu hadlayo, waxa kale oo uu akhrin karaa fariimaha kuugu jira telfoonkaaga xataa muuqaalada una gudbin karaa cadowgaaga.



Shirkada Yuhuuda ayaa sheegtay in iyadu furaheeda ka iibsato sirdoonada caalamka kaliya ee ayna ka iibin shaqsiyaad sida Yurub iyo Ameerika.

Hadaba sidee cudurkaan ku galayaa whataspp- oo ku faana in fariimahaagu cidkale oo dhexe akhrin Karin aan ka ahayn qofka aad u dirtey.



”Waxay aaladani kuu soo direysaa telfoono whatsap- ah oo ka  imanaya wadamo kala duwan, muhiim maaha in telfoonkaas aad ka jawaabto iyo in kale, waxa kadib dhacaya in telfoonkaagii ay la wareegtey fure uu soo direy cudurku, waxa kaliya kadibna dhacaya in telfoonadii lagu soo direy ay ka masaxmaan taariikhda dirida iyo soo dirida telfoonada ayuu yiri khabiir ka hadley sida cuidurkani u shaqeeyo.



”Waxa furaha cudurkan lagu isticmaaley saxafigii Jamaal Khasuuqi, waa sidoo kale sirdoonka Maraykanku ku isticmaaleen dhaxalsugaha Sucuudiga kuna fashiliyeen dilkii Jamaal Khasuuqi.

Dadka kale ee ilaa hadda la jabsaday whatsap-kooda waxa ka mida nin isagu dacweeyay shirkada Yuhuuda ah ee samaysay cudurkan ee ka iibisa sirdoonka aduunka kale iyo xubno kala duwan oo iyagu u dooda xoriyada.

”Waxa hubaala in tiknooji kastaa wadato daldaloolaheeda kamana maqna Whatsap oo dad badan ku aamineen inuu sheegto in fariimahaagu iyo muuqaaladaadu iyo sawiradoodu ay yihiin aamin. ”Ha aaminin tiknoolaji kasta hadayna ahayn mid dalkaagu sameeyay ayuu yiri Xaamud Cali dabcan Somaliya Kuma jirto dadka u dhow inay heerkaas gaarto.



WhatsApp ayaa iyagu sheegay inay arintan ogaadeen bishan horaanteedii, waxana kuu muuqata in furahaan jirey in muddo ahba markii haddii laguu sioo direy telfoono aanad garanayn ay ka yimaadeen cudurkaas.

Dhinaca kale whatsapp ayaa raacisay in dadku cusboonaysiin (update) ku sameeyaan whatsap-kooda si ay uga badbaadaan furahaas.

Warbixintii Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Xildhibaan Maryan Cariif oo dalbatey in Kiiniya dalka laga saaro

May, 18, 2019
Xildhibaan Maryan Cariif oo ka tirsan Golaha Shacabka ...

Booliiska Qubrus oo raadinaya gabadh Somali ah oo luntey ilaa Khamiistii

May, 18, 2019
Booliiska jasiirada Qubrus ee u kala qaybsan Turkiga ...

Wasiir aan dugsi sare gelin oo si xun u weerartay xildhibaan Dhakool, Prof Samatar iyo Cali Khaliif

May, 18, 2019
Hinda Jaamac waxay ka mid tahay wasiirada maamulka ...

Gobolada Sool iyo Sanaag oo si weyn looga qayb qaatey maalinta nadaafada: Sawiro/daawo)

May, 18, 2019
Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa maantoo kale ku ...

Saylici oo reer Awdal aflagaadeeyay: ma duushaan maxaan madaar dhisnaa iyo dekeda Saylac

May, 18, 2019
C/raxmaan Saylici oo reer Awdal ku qasaareen 9-kii ...

Dhacdooyinka

Madaxweyne Farmaajo oo shaaca ka qaaday danaha gaarka ah ee loola yimi shirkii Garoowe

May, 16, 2019
Madaxweynaha oo ka hadlaayay munaasabada maalinta dhalinyarada SYL ...

18 May waa maalin madow anagaa ku leh: siyaasi Cabdi Shotaly (daawo)

May, 16, 2019
Siyaasiga ruug cadaaga ee Cabdi Shotaly ee beesha ...

Ururka Makaahiil Group (Samaroon) oo si adag uga hadley xasuuqii Harawa gaar ahaan Xajin

May, 13, 2019
Ururka beelweynta Makaahiil Group ayaa si adag uga ...

Maraykanku kuma dhaco inuu weerar nagu soo qaado: Iiraan

May, 10, 2019
Ayadoo baryahan ay jirtey in xagjir Taram uu ...

Ciidanka xooga oo kordhiyay baacsiga argagixisada: SAWIRO

May, 8, 2019
Ciidanka xooga dalka gaar ahaan kuwa gobolka Shabeelaha ...

Shirkad Ingiriisa oo la sheegay inay gaaskale ka heshay Somali galbeed

May, 7, 2019
Shirkale oo la leeyahay dalkaasi Ingiriisa ayaa la ...

90 caruur u badan oo la qaadsiiyay cudur khatara dalkaasi Bakistaan

May, 3, 2019
Wararka ka imaanaya dalkaasi Bakistaan ayaa sheegaya in ...