Thursday, January 24th, 2019
header

Xaaf oo u muuqda inuu marayo wadadii Cosoble

Marka la fiiriyo xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug ayaa waxa ay la mid tahay midii 14-kii bishii August ee sanadkan xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle ay xilkii kaga qaadeen Cali C/laahi Cosoble Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, taasi oo keentay in meesha uu ka baxo ayna soo doortaan Madaxweyne cusub, Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo tiradooda lagu sheegay 55, kuna kulmay Hotel ku yaalla magaalada Cadaado oo doortay shir guddoon KMG ah ayaa waxa ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).



Arrinta ayaa isku bedeshay mid la isku jawaabayo, kadib markii xildhibaano kale oo ka tirsan Galmudug oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ay sheegeen in xilka qaadistaasi aysan ansax aheyn, oo la soo dhoo dhoobay, sidoo kale (Xaaf) uu ka soo horjeestay xilka qaadista.

Dowladda Federaalka oo masuul ka ah guud ahaan dalka, go’aanka ugu dambeeyana iyada laga sugayo oo arrintan war ka soo saartay ayaa waxa ay ku baaqday in la ixtiraamo go’aankii uu Baarlamaanka GalMudug, oo xilka ay kaga qaadeen (Xaaf), loona hoggaansamo sareynta sharciga.

Marka dib aan milicsano xilka qaadistii Cali C/laahi Cosoble qaabka ay u wajahday Dowladda Federaalka, waxay aheyd in marka hore ay arrinta guddi Wasiiro ka socda ay u saartay, kuwaasi oo baaris iyo indha indheyn kadib dib ugu soo laabtay Muqdisho, Dowldduna ugu dambeyn mudo kadib sheegtay in ay taageersan tahay xilka qaadista, mudo 30 cisho gudahoodna la qabto Doorasho Madaxweyne.



Hadaba maxay kula tahay wadada loo maray xil ka qaadista Madaxweyne (Xaaf) masax baa mis waa qalad ?

Dowladda Federaalka iyo Madaxweyne (Xaaf) ayaa maalmihii dambe waxaa soo kala dhex galay khilaaf, taasi oo ay ka dambeysay kadib markii Madaxweynaha Galmudug oo warbaahinta la hadlay uu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xaaf oo ka hadlayay khilaafka Khaliijka ee in uu taageeray xulufada Sacuudiga ayaa ujeedada wuxuu ku sheegay in qaraab ay u dooneen shacabka reer Galmdug, taasi oo shacab badan ay u fasirteen siyaabo kale duwan.

21-kii September War saxaafadeed ka soo baxay Galmudug gaar ahaan xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa lagu eedeeyay Madaxtooyada Soomaaliya inay fara gelin ku heyso maamulkooda, waxaana gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ku eedeeyeen in fara gelin xambaarsan dhiilo qabiil ay ku hayaan.

24-kii September Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo dib ugu laabtay magaalada magaalada Cadaado, kadib safar shaqo oo uu kaga yimid magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa wuxuu sheegay Diyaarad uu ka soo raaci lahaa magaalada Hargeysa in ay xayirtay Dowladda dhexe mudo Shan saac ah.

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegay hanaanka Dowladda dhexe ay u martay ka hadalka xiisada Galmudug in uu ahaa mid fudeed ku dheehan, aanan loo baahneyn in ay sidaan u wajahdo, balse ay u fahmayaan in Dowladda ay dooneyso in mar un meesha uu ka baxo Madaxweyne (Xaaf).

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Tigree lagu weeraray Boosaaso

January, 24, 2019
booWararka ka imaanaya Boosaaso ayaa sheegaya in magaalada ...

Maxaa ka soo kordhey ninkii ajnabiga ahaa ee lagu qabtey sunta

January, 24, 2019
Sadex cisho kahor ayay ahayd markii nin ajnabi ...

Siyaasi Cali Faarax oo kabaha la dulmaray madaxa Jaamacada Camuud Saleebaan

January, 23, 2019
Siyaasi Cali Faarax ayaa kabaha la dulmaray madaxa ...

Sirdoonka Maraykanka oo qabtey sadex nin oo Somali ah oo argagixisadu tigidhka u goysay

January, 23, 2019
Sirdoonka Maraykanka ee loo yaqaan FBI ayaa qabtey ...

Siyaasi qarxiyay in hambadii Kulmiye lagu dul cunayo Boorama

January, 23, 2019
Siyaasi qarxiyay in hambadii Kulmiye lagu dul cunayo ...

Dhacdooyinka

Odaygii Nikolas waan u sheegnay inuu siyaasada Somalida soo farogelin: Farmaajo

January, 15, 2019
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadley ceyrintii Somaliya laga ...

Yuhuuda oo ugu dambeyn qiratey inay hub siisay argagixisada Daacish

January, 15, 2019
Yuhuuda ayaa ugu dambeyn qiratey inay hub siin ...

Madaxa Somali galbeed oo la kulmey ugaaska guud ee Samaroon: SAWIRO

January, 13, 2019
Madaxa Somali galbeed Mustafe Cagjar ayaa la kulmey ...

Sarkaal gacan u qaaday xaaskiisii hore oo jeelka loo taxaabay

January, 11, 2019
Sarkaal gacan u qaaday xaaskiisii hore ayaa jeelka ...

Raggii dilaayay Jamaal Khashowqi oo la ogaadey halka ay si toosa ula hadlaayeen

December, 10, 2018
Raggii dilaayay Jamaal Khashowqi ayaa la ogaadey halka ...

Ololaha ka dhanka ah dhibaatooyinka loo gaysto haweenka oo lagu qabtey Muqdisho

December, 8, 2018
Ololaha ka dhanka ah dhibaatooyinka loo gaysto haweenka ...

Ilhaan Cumar oo jawaab kulul siisay gaalka weyn ee Erik Jackson

December, 8, 2018
Ilhaan Cumar ayaa jawaab kulul siisay gaalka weyn ...