X

Xaafada Kamakuji ee Somalidu ku badan tahay ee Nayroobi oo dadku nadaafad xumo ka dibedbaxeen+SAWIRO

Nayroobi–Dibad baxani oo ay soo qaban qaabiyeen ganacsatada iyo dadka deegaanka ayaa  dibadbaxayaasha oo watay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo kala duwan waxay socod ku soo mareen qeybo ka mid ah waddooyinka waaweyn ee xaafadda islii,iyagoo ku qeylinayay erayo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan cashinka faraha badan ee dhex ceegaaga hareeraha wadooyinka iyo biyo la’aanta ka jirta kamukunji.

Axmed Security oo ka tirsan xafiiska xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo dibad baxa ka hadlay ayaa waxa uu  ka warbixiyay ujeedka dibad baxa,isagoona ku dhaliilay dowlada hoose ee magalada Nairobi inay ka gaabisay wax ka qabashada nadaafad darida iyo biyo la’aanta ka jirta degmada kamukunji.

“Dibad baxan maanta waxaa soo qaban qaabiyay dadka deegaanka iyo ganacsatada xaafada islii iyagoo ka cabanyo dhibatada  faraha badan oo dowlad hoose nagu heyso ,dowlada hoose 30,bilyan ayaa la siiyaa bil walba,anaga reer islii hadan nahay shilin kama heyno,maxaa yeelay qashinkii wuu soo batay,biyo la’aan ayaa jirto,bil barakeysan ayaa lagu jiraa biyana ma jiraan”Ayuu jiro Axmed Security.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.