X

Xaaji Maxamed Xuseen Siciid iyo C/qaadir Sh Cismaan Qalinle oo tacsi u diraya ilma Maxamed Bakhad Miigane

Inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicuun gudoomiyaha guud ee beelaha Samaroon ee Ingiriiska Xaaji Maxamed Xuseen Siciid iyo C/qaadir Sh Cismaan Qalinle waxay tacsi u dirayaan ilma Maxamed Barkhad Miigane meelkasta oo ay joogaan geerida ku timi aabahood Maxamed Barkhad Miigane oo manta ku geeriyooday Boorama.

Waxay marxuunka uga baryayaan inuu rabi ka waraabiyo janadiisa fardowsa eheladii iyo qaraabadii uu ka tageyna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin Aamiin

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.