Monday, June 1st, 2020
header

Xaaladaha cudurka Kooro ee gobolada dalka oo sii kordhey

Waxa baryahan sii kordhaya xaaladaha cudurka Kooro ee gobolada dalka ayadoo awal kiisaska ugu badan ay ahaayeen gobolka Banaadir. Wasaarada caafimaadka oo warbixintii maalinlaha soo saartey ayaa sheegtay in gobolada kiisasku sii kordhayaan.



Inta badan gobolada dalka ayaan jirin cid dheecaan ka qaada dadka la ildaran cudurka, waxana la aaminsan yahay in tirada guud ay badan tahay.



Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Foosiya Abiikar Nuur ayaa xogta u dambeysa ku sheegtay in 79 xaalado cusub oo la diiwaan geliyay ay ku kala suganyihiin gobalka Banaadir (38) Jubba (22) Koonfur Galbeed (11) iyo Butlaan (8). Maamulka Somalilaan ayaan jirin tiro saxa oo laga hayo.

14 qofood ayaa ka bogsootay cudurka 3 bukaanna way u geeriyoodeen. 62 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag 17-na waa haween.



Tirada xaaladaha cudurka Kooro ee dalka la diiwaan geliyay ayaa gaartay 835 waxaa bogsootay 75 Ruux. 38 ruux oo kale ayaa u geeriyooday. RABI keliya ayaan leenahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Tirada xasuuqii ay argagixisadu gaysatey oo sii korodhey

May, 31, 2020
Wararkii u dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Afgooye ...

Gudoomiye la ogaaday xaaskiisu dishey iyo sida wax u dhaceen

May, 31, 2020
Waxa magaalada Muqdisho lagu diley gudoomiye xaafadeed sida ...

Gacan ku dhiiglihii diley ninka madow oo naagtiisu iska fureyso

May, 30, 2020
Gacan Ku dhiiglihii diley ninka madow magaalada Minayabolis ...

Waa maxay ujeedada looga banaanbaxay degmada Balanbale ee Galguduud

May, 30, 2020
Waxa banaanbax xoogan uu ka dhacay magaalada Balanbale ...

Taram oo ciidanka u diyaariyay banaanbaxyada ka soo socda Minayabolis: aaway xoog ma isticmaalo

May, 30, 2020
Ilaa hadda lama maqal hay'adaha sheegta inay u ...

Dhacdooyinka

Barnaamijka doorka aqoonyahanka iyo saxafiga Faysal Abroone

May, 17, 2020
Maxaa u sababa in fatahaada webiga Shabeele uu ...

Maamulka Somalilaan oo sheegay in cudurka Kooro sii kordhey

May, 9, 2020
Afhayeen u hadlay maamulka Somalilaan ayaa sheegay in ...

Uhuru oo ka aargoostey Somalida Kiiniya iyo qaylo dhaan jirta

May, 7, 2020
Kadib fashilkii ku yimi siyaasada Kiiniya ee Somaliya ...

Cabi Axmed oo u digey Tigreyga raba inay qabsadaan doorasho

May, 6, 2020
Raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed ayaa u digey ...

Ciidanka xooga dalka oo hadda baacsada argagixisada

May, 5, 2020
Waxa caadi noqon jirtey in argagixisadu weerar ku ...

Xaafada Daami ee Hargeysa oo diidey quudhsi Muuse Biixi kula kacay: DAAWO waxa sababay

May, 4, 2020
Xaafada balaadhan ee Daami oo ah xaafadihii Hargeysa ...

Dhamaan bahda Araabinews oo tacsi u diraya ilma Faarax Cabdillaahi

May, 3, 2020
Dhamaan bahda Araabinews ayaa ka tacsi ka diraya ...