Xaglatoosiye oo reer Soola oo iibsaday qadaiyadii dadkiisa ayaa hadda fara kulul ku haya kursiga Saylici. Waxa uu durbaba taageero badan ka helay beelaha Isaaqa siiba kuwa bariga iyo Hargeysa badankood waxana ay sheegeen in uu noqon karo nin wax bedeli kara.
Xaglatoosiye waxa taageersan beesha uu ka soo jeedo Siilaanyo badankeeda marka sida saxda ah laga hadlo ayuu yiri Maxamuud Saleebaan oo ku nool Burco ahna taageere ka mida xisbiga Kulmiye.
Tan ugu weyn ee lagu diidayo Saylici ayaa lagu sheegay in aanu cadkiisa ka goosan Siilaanyo iyo kuwa maamula gurigiisa oo ay ku jireen Xirsi Tooriile. Hadda Xirsi Tooriile wuxu wataa Maxamed Biixi iyo kuwo kale oo ka jeeda beesha wax ka degta Hargeysa ee Habar Awal (ISAAQ).
Beelaha Bariga ee besha dhexe ayaa iyaguna qaba in aan kursiga xisbiga ee madaxwerynaha iyo ku xigeenkiisa laga wada dhigin Galbeed waa sida ay aaminsan yihiin waxayna qabaan mar hadii kursigii xisbiga loo daayay beesha Habar Awal (ISAAQ) oo galbeedka degta in kursiga ku xigeenka la siiyo beelaha bariga ee Dhulbahante.
Garabka Xirsi Tooriile oo ka xoogweyn siyaasad ahaan kan Siilaanyo wato ee Muuse Biixi/ Saylici ayaan iyagu soo magacaabin madaxweyne ku xigeen haddiiba uu qabsoome shirweyne lagu doorto gudoomiye iyo ku xigeen. Waana jago banaan ilaa hadda oo uu taagan yahay Faarax Geedoole oo ay saaxiib yihiin Xirsi Tooriile.
Oday Boorama jooga oo nacay siyaasiyiinta reer Awdal ee jooga Hargeysa ayaa isna aan ka soo xigana ”mar hadii kuwa sheeganaayay magacayaga ay halkaa na dhigeen miyaan eegno kuwa aan u dhalan Awdal bilow iyagu ka fiicnaade” khaati ayaan ka joognaa nin magacayaga ku jooga hadana aan ku go’ney isagiina nagu taajirey..
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay