18/04/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xarunta tababarka ciidanka Somaliya oo ciidan cusub soo saartey: SAWIRO

Xarunta tababarada ciidanka Somaliya ee Turkiga dhisay Kuna tababaro ciidanka ayaa soo saartey dufcad cusub oo ah kuwa dhulka.

Ciidankan ayaa loo dhamaystirey qalabkiisa laguna biiriyay ciidanka xooga falls ee argagixisada ka sifeynaya cariga.



General C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamadaan maanta uu u dhammaaday tababarka ay u tababaran yihiin dhanka dhulka, isla markaasine ay dowladda Turkiga u dhameestirtay qalabka ay ku howlgali lahayeen.



Muddo Saddex bilood ah ayay ciidamadaani tababar ku qaateen Xarunta Dugsiga Tababarka Turki Som, waana Dufcadii labaad ee ka qalin jabisa Xarunta Dugsiga Turki Som.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS