Gwoza–Xaruntii ugu weynayd ee argagixisada Boko Xaraam ee bariga Nayjeeriya oo gacanta lagu dhigey iyo hadhaagii argagixisada oo baxsad ku jira galayna buuro u dhow xuduudaha. Wararka ka imanaya woqooyi bari Nayjeeriya ayaa sheegay in magaalada Gwoza ay ahayd magaaladii ugu weynayd ee ugu dambeysay ee argagixisada u ahayd xarun.
Waxa la aaminsan yahay in xaruntan la geeyay caruurtii ciyaala iskuulka ahaa ee ay argagixisadu afduubtey ahaydna halkii hogaamiyaha argagixisada Boko Xaraam uu kaga dhawaaqay in uu xoreyay Woqooyi bari Nayjeeriya.
Ciidanka Nayjeeriya ayaa sheegay in aroortii hore ku kalaheen Gwoza ayna xoreeyeen hadana ay kaliya hadhantahay laba magaalo oo kale. Doorashada Nayjeeriya ayaa la galayaa dhawaan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay