Raiisal wasaaraha Somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qado Sharaf loogu sameeyay geed hoostiis magaalada Dhuusamareeb. Xasan Cali ayaa mudooyinkanba ku sugnaa gobolada Mudug iyo Galguduud.
Ilaa hadda waxa meel la isla dhigey in qabiilada meesha degan loo sameeyo maamul loo wada dhan yahay. Dib u heshiisiinta ayaa maraysa meel wanaagsan.
Galmudug ayaa markii horeba aan buuxin labada gobol ee sharcigu yahay. Dalka Koofurtiisa ayaa looga dhaqmaa nidaam aan la garanayn wuxuu yahay mana jirto hagid ku wajahan dawlad degan iyo nidaam Somali leedahay.
Waxaan codsanayaa in aad loo soo dhaweeyo dadka iskugu iman doona madasha dib u heshiisiinta ayuu yiri Xasan Cali inkastoo ayna jirin qorshe meel yaala oo la isku waafaqsan yahay oo keeni kara nidaam lagu wada faraxsan yahay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS



More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay