X

Xasan Culusow dan dalku leeyahay uma tagin Maraykanka aan ka ahayn

Fadhiid Xasan Culusow ayaa isku shubay Maraykanka halkaas oo wararku sheegayo inuu si hoose ula kulmayo qaar ka tirsan maamulka jaahil Baydan ee ku fashilmay dhaqaalaha dalkiisa ee sixir bararku hadheeyay.


”Xasan Culusow dan shaqsi ma wato mid qarana iskaba dhaaf waxase laga saxiixayaa dekeda Berebera oo Maraykanku rabo inuu saldhig cusub ka samaysto uu kala dagaalamo Ruushka iyo Shiinaha ayuu yiri Cali Calasow.


Maraykanka ayaa isla markii ay dib u soo celiyeen fadhiid Xasan Culusow kordhiyay duqeynta ay ka wadaan Koofurta Somaliya dibna u keenay askartooda aan dalka laga rabin loona baahnayn. Waxa duqeymahaas ku dhintey tiro shacaba oo aan la garanayn.



Su’aasha aad is weydiin karto ayaa ah Soamliya wax dana miyaa ugu jirta inay ka shaqayso danaha dalka kale oo sheegan jiray inuu dunida ugu xoogan yahay haddase la ogaaday inuu siiroo taagan yahay. ”Maraykanka Soamliya oo faqiira ayuu baahidiisa u soo bandhigayaa waxase ku filan na dhaaf laakiin maadaama uu keensaday Xasan Culusow wax kasta ka filo.

”Waxa meesha ka baxay golihii shacabka ee wax diidi jiray haddase xitaa mooshinka lagaa qaban maayo ayuu yiri Xuseen Warsame.

C/llaahi Warsame

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.